Zidane: “Real booska labaad ayey ka gali doontaa horyaalka La Liga”

0
Zidane

Bernabeu (NSH)-Macallinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidane, ayaa sheegay in kooxdiisa ay rajo weyn ka qabto in ay booska labaad ka gasho horyaalka La Liga, kaddib markii ay

Kooxda Los Blancos ayaa 2-1 uga badisay Eibar cayaar ka dhacday Sabtidii shaley garoonka Bernabeu.

Macallinka reer France ayaa sheegay in kooxda ay ku dedaali doonto sidii xilli cayaareedkan u gali lahayd kaalinta labaad kala horeenta horyaalka.

Gareth Bale

Dhinaca kale, Zidane ayaa ka gaabsaday wararka sheegaya in xiddiga 29-jirka ee u dhashay dalka Wales Gareth Bale uu sii joogi doono naadiga Los Blancos.

Xiddigii horre ee kooxda Tottenham ayaa dhaleeceyn kala kulmaya taageerayaasha kooxda, waxaana taas ay ku dhiirigalin kartaa inuu ka tago kooxda ayaa la sheegay.

Bale, ayaa kooxda u dhaliyay xagaagan 14 gool.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com