Yuusuf Garaad: “Dhaarta ha la xusuusto hana laga dhabeeyo”

0
Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii horre arrimaha dibedda Soomaaliya

Nairobi (NSH)-Wasiirkii horre ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo sharciga axsaabta oo shaley ay meelmariyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Xeerkan oo wax ka baddel lagu sameeyay ayaa durba waxaa qaadacay qaar ka mid ah maamullada dalka kuwaasoo sheegay in aan lagala tashan wax ka baddelka lagu sameeyay.

Haddaba, Yuusuf Garaad ayaa qoraalkan Hoose arrimahaas iyo kuwa kale kaga hadlaya.

Xisbi Siyaasadeed oo cusbaa laakiin caan ahaa oo ka jiray dal Afrika ah billowgii sagaashanaadkii oo aamminsanaa qof iyo cod ayaa haddana lagu eedeyn jiray in uu yahay Xisbi ka soo horjeeda Dimuqraaddiyadda.

Waxaa lagu eedeyn jiray in uu amminsan yahay qof iyo cod laakiin ay wax kale u wehliyaan marka uu guuleysto.

Eeddu waxay ahayd in uu aamminsanaa:

Hal Qof, Hal Cod iyo Hal Mar.

Waa sarriig la’aan siyaasadeed in siyaasi la doortay uu isku dayo in uu gacantiisa ku beddelo xeerkii isaga lagu soo doortay iyo muddadii loo doortay.

Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto.

Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida kuwaas oo la’aantood aan dalku horumar ku tallaabsan karin.

Waan yeeli karaa looma yeelo.

Dhaarta ha la xusuusto hana laga dhabeeyo.