Yuusuf Dabageed waa shaqsi isku heesta sharciga inuu ka dheeryahay

0
Guddoomiyihii horre ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed

Waxa uu ahaa kabiirka ugu xafidaadda badan sharciyadii Jawrfalka iyo dulmiga ku dhisnaa ee laga baran jiray iskuulkii uu lahaa Max’ed dheere,ee ku yiil Gobolka shabeelaha dhexe {Magaalada Jawhar}.

Dabageed waxa uu ahaa nin aan xitaa dugsiga hoose soo dhigan sida Macalinkiisii Max’ed Dheere, balse ku taqasusay Cadaadinta,Xirista,Dilka iyo jirdilka dadka marka loo noqdo Mas’uul–

Intii jeer ee uu xil ka soo qabtay magaalada baladwayne,ha u malaynin in uu xilka loogu dhiibay ogolaanshaha dadka reer Beledwayne, laakiin waxaa loogu dhiibay cadaadinta dadka iyo israaca dadka ee guudka sare uga muuqda Mas’uuliyiinta sare ee ay u maleeyeen nin lawada taageersan yahay oo ku haboon maamulka Beledwayne–

Laakiin arinta ma ahayn sida ay moodayeen Madaxda sare ee soo magacaabi jirtay ninkaan dhigyacabka ah ee dadka reer beled wayne ku xukumayey caburinta–

Haatan ayaa la ogaaday in uu ninku ahaa Ardaygii ugu firfircoonaa ardayda Max’ed dheere, wuxuuna hadda quudraynayaa in uu Dawladda haatan jirta uu ku beer jilicsado wixii aad iigu talisaan kama wayni, isaga oo ku gacan sayray Amarkii iyo xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaweyne Waare, oo ah Madaxweynaha Hirshabeelle.

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Absuge

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid.