Xogta ku saabsan geerida Ivan Ilyach

0
Xogta ku saabsan geerida Ivan Ilyach

Wuxuu ahaa 45 jir garsoore ka ah maxkamad. Wuxuu lahaa labo caruur ah; wiil iyo gabar kala weyn, gabadha ayaa waynayd. Mushaar fiican ayuu qaadan jiray, mar aan dheerayna ayaa la dalacsiiyay, guri qasri ah oo hadda farta laga qaadayna wuu iibsaday.

Maalin maalmaha ka mid ah asaga oo daah iska laabaya meel jaranjaro u dhow, ayay lugtu u fakatay, dhaawac ayaa soo gaaray. Markii hore dhaawac sahlan ayaa loo qaatay, laakiin markii dhaqtarka la tagay waxaa la ogaaday in uu yahay dhaawac culus oo kallidii ayaa ka baxday halkii ay ku jirtay oo meel jirka ka mid ah ayay ka lulutaa.

Ivan ILyach xaalad cusub ayaa u bilaabtay, xanuunkii ayaa ku sii batay, dhaqaatiir badan oo kala duwan ayaa loo keenay, warar kala duwan kadib markii danbe xaaladdu waxay ku soo idlaatay in aan waxba laga qabin Karin. Xanuun baabi’iye, iyo cunno bukaan ayaa dawo looga dhigay.

Islaantiisa oo ahayd islaan aad u qurux badan, laakiin muddo ay isku xumaayeen, waxuu xiriirkood dib u fiicanaday maalmo ka hor inta uusan xanuusanin, kaddib markii si lama filaan ah qasirga cusub furhiisa ugu wareejiyay.

Guriga waxaa u joogay wiil dhallinyaro ah oo reerka u shaqayn jiray. Wuxuu ahaa wiil naxariis badan, dhago fudud oo aan marna ka daalin in uu qoyska baahidood adeeg haqab tiro.

Ivan Ilyach xaaladdii ayaa ku sii adkaatay, markasta oo ay xaaladdu ku sii adkaato waxaa dhinica kale ku soo badanayay in uu ka fikiro geerida iyo nolashii uu soo maray
Geerida wuu maqli jiray laakiin waligii in uu asaga dhimanayo kuma fikirin. Wuxuu soo xasuustay buug uu hadda ka hor aqriyay oo ay ku yaaleen sadaro geerida ku saabasan.

“Qofkasta oo bin’aadmi ah waa dhimanaya, adigana bini’aadmi ayaad tahay sidaas dared, waad dhiman”

Xaaskiisa markay u soo gasho ee ay xaaladdiisa uga waraysto ama is tiraahdo wax u qabo caro ayaa jirkiisa buuxisa, maxaa yeelay wuxuu ogyahay inta ay damaaci tahay laakiin wuxuu aad u jeclaaday wiilka guriga ugu shaqeeya oo marba wuxuu baahanyahay u qabta.;Mar sariirta ayuu geeyaa, mar qolka fadhiga ayuu geeyaa, marka xanuunku ku adkaadana lugaha ayuu intuu kor ugu qaado muddo u hayaa si uu xanuunku ugu yaraado.

Xanuun daran ayaa qabtay Ivan markaas wuxuu bilaabay in uu isla sheekaysto.

“ maxaad rabtaa horta!?”

“ In aan si fiican u noolado. sidii aan ahaan jiray, nolola fiican”

Markaas ayuu xasuustiisa dib u celiyay, wuxuuna nolashiisa ka waayay maalin ay fiicnayd marka laga tago markuu yaraa ee uu haysta aabbe iyo hooyo jecel oo hadiyad siiya iyo macallin guriga cashira ugu dhiga. Wuxuu soo xusuustay markuu jaamacadda sharciga ka barnayay ee uu saaxibada badan lahaa maalinkastana arimo sharciga la xiriira ka doodi jireen.

Wuxuu soo xasuustay guurkiisii iyo arimo kale.

“ Hadda ma dhimanayaa?”
“Haa waad dhiman” ayuu bilaabay mar labaad in uu naftiisa kula sheekaysto.
“ Laakiin maxay tahay waxan oo xanuun ah?”
“ waa sabab la’aan” su’aalihii ayuu sii waday in uu naftiisa wayddiiyo.
Wuxuu ka fikiray magaaladii camirnayd, dariiskii iyo dhammaan dakii u yaqaanay in uu kaligiis halkaas ka fadhiyo oo uusan cidna u tagikarin.

“ ilaahyow nafta iiga raaxee xanuunkan dhan uma adkaysan karee!”
Islaantiisii ayaa u soo gashay asaga oo saas leh. Wax yar ka hor waxay soo argtay dhaqarkii odaygeeda Ivan oo u sheegay in uu dhimanayo rajana lahayn, wuxuuna u sheegay in ay xanuun baabiyo xoog leh siiso, si uu xanuunka daran u iloobo.
Labo saac kadib markii uu xanuun baabiyihii dhiigiisa ka baxay Ivan qayladii ayuu bilaabay. Hadda, laakiin qofkasta way u muuqataa in ay nafta ka baxayso.

“ alla waa dhimanyaa ayay tiri xaaskiisii”

Hal mar intuu neef weyn qaatay oo saas isku kal bixiyay ayuu iska aamusay.
Qof meesha fadhiyay ayaa yiri hadda ayay ka baxday naftii, saas ayuuna ku dhintay Ivan Ilyach

Sheekadan waa nuxurka buug uu qoray Leo Tolesty oo ahaa qoraa ruush ah oo caan ahaa.
Waa qiso magaceed la yiraahdo “The death of Ivan Ilych”

Sheekadan nuxurkeed wuxuu yahay maadama la dhimanayo in si tawaaduc ku jiro loo fikiro, markastana wanaag la qabto oo laga fogaado damaaciga iyo adduunya jeclayka insaanka ku beeran. Inta marka aad dhimanayso aad qoomamo gali lahayd hadda si fiican u fikir oo naxariis iyo bin’aadantimo ka shaqee. Sidoo kale, ka fikir in aad dhaxal wanagaasan ka tagto.

N.B. Haddii ay rabto in aad aqriso buuggan oo 68 bog ka kooban fariin ii soo dir aniga ayaa kuu soo dirya.

W/Q:Ahmed Abdihadi
Suxufi madax bannaana iyo Fallanqeeye arrimaha siyaasadda