Xisbsiyada Mucaaraadka Soomaaliya oo laga yaabo in ay Midoobaan (Sawirro)

0
Xisbsiyada Mucaaraadka Soomaaliya oo shir hadda uga socda Muqdisho

Muqdisho (NSH)-Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda shir ay lee yihiin qaar ka mid ah xibiyada siyaasadda dalka, waxaana laga yabaa in ay uga adhawaaqaan isbahaysi ay yeeshaana xisbiyadaas.

Mas’uuliyiinta shirka ka qaybgalaya waxaa ka mid ah madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanaka Soomaaliya.

Saxaafadda ayaa ku sugan shirka, waxaana laga yaabaa in lagu dhawaaqo in ay midoobaan xisbsiyada Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays iyo kuwa kale.

Shariir Sheekh Axmed ayaa hoggaaminaya xisbiga Himilo Qaran, halka Xasan Sheekh uu hoggaamiyo xisbiga UPD.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco halkan

Daawo sawirrada kulamada xisbiyada mucaaraadka