Xisbiga Himilo Qaran oo dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gidbiyay Maxkamadda sare

0
Xisbiga Himilo Qaran oo dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gidbiyay Maxkamadda sare

Muqdisho (NSH)-Xibisga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay maxkamad la tiigsanayaan dawladda Soomaaliya kadib makrii bishii hore ee Sebtemebr 22-keedii laga hor istaagay hoggaamiyahooda inuu u safro magaalada Kismaayo.

Sanatar Ilyaas Xasan Cali oo ka mid ah xildhibaannada aqalka sare isla markaana ah xoghayaha xisbiga Himilo-Qaran oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay iyadoo laga duulayo dhowrista sharciga dalka iyo xuquuqda uu lee yahay muwaadinka in ay go’aansadeen in maxkamadda sare ee dalka ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah golaha fulinta kadib markii bishii horre ee Sebtemebr 22-keedii ay hor istaageen hoggaamiyahooda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safrayay magaalada Kismaayo si ay uu uga qaybgalaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda federaalka Soomaaliya illaa hadda kama jawaabin dacwadda ay ka soo gudbiyeen madaxda xisbiga Himilo Qaran, iyadoo la filayo Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah in ay maalmaha soo socda ay tagaan magaalada Kismaayo si ay uu uga qaybgalaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in ay dhacdo sagaalka bishan.

Warbixintan Xasan-Kaafi Qoyste.