Xasan Wiish oo loo magacaabay guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha XKS

0
Garsoore Xasan Wiish ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha XKS

Muqdisho (NSH)- Garsoore Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xiriirka.

Xasan Yabarow oo hadda ah guddoomiyaha cayaaraha gobalka Banaadir, ayaa horrey u ahaa garsoore caalami ah oo kubadda cagta, isagoo sidoo kale soo qabtay cayaaro caalami ah oo gobalka ka dhacay sida kuwa Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Garsoore Wiish ayaa horrey u sheegay inuu doonayo in uu garsoore ka noqdo Koobka Adduunka.

_SOOMAALIKABE_

[email protected]