Xaflad lagu soo bandhigayay Buug Jacayl oo lagu kala yaacay (Sababtu maxay tahay?)

0
Buugga Hadyad Jaceyl oo xaley lagu soo bandhigay Burco

Burco (NSH)-Magaalada Burco ee xarrunta gobalka Togdheer ayaa xaley waxaa lagu joojiyay bandhig lagu soo bandhigayay Buug ka hadlaya Jaceyl.

Buuggan ayaa magaalada waxa uu ka dhaliyay buuq taasoo markii dambe keentay in ay booliska soo faragaliyaan oo xafladda joojiyaan.

Cabdisamad Awdaahir oo ah qoraaga Buugga Hadyad Jacayl oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in buuggiisa uu ka hadlayo arrimo Jaceyl dadkuna ay ka akhrisan karaan culuumta ku saabsan Jacaylka.

Mar uu ka hadlayay sida xafladda looga joojiyay waxa uu sheegay in qaban qaabada bandhigga ay wadeen toddobaadkii ugu dambeeyay isla markaana xaley ciidamo ay u yimaadeen.

Waxa uu sheegay in ay ka hor xafladda isku dayeen in maamulka magaalada ay fasax ka helaan laakin ay diideen in ay taageeraan bandhigga.

Waxa uu sheegay in buuggan magaalada lagaliyay inuu yahay mid wata wax yaabo aan fiicneen.

“Muddo 40 daqiiqo oo aan wadnay xafladda ayaa waxaa noo yimid ciidamo oo markii ay goobta soo galeen ku yiraahdaan in ay soo baxaan”ayuu yiri Cabdisamad.

Cabdisamad Awdaahir oo qoray buugga Hadyad Jaceyl” Lahaanshaha sawirka Facebook Cabdisamad”

Cabdisamad ayaa sheegay in buuggiisa uusan wax xumaan ku qorneen ama dhaawacaya anshaxa Islaamka iyo kan Soomaalida.

Dhinaca kale, taliyaha booliska magaalada Burco Axmed Aw Cali Shabeel oo BBC-da u warramay ayaa ka hadlay sababta loo jiijiyay buugga Jacaylka. Waxa uu sheegay in goobta ay yimaadeen dumar badan taasna ay keentay in dumar iyo rag badan oo is qaba ama aan qabin ay garbaha iyo gacmaha is qabteen.

Waxa uu sheegya in guddiga xumaan dhowrka ay goobta joogeen kuwaasoo booliska u soo bandhigay in goobta lagu hayo wax anshax xumo, waxa uu sheegay in goobta ay tageen oo ay soo dareeriyeen 

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com