Wiil Muqdisho loogu dilay gool uu dhaliyay dartiis (Dhacdo Argagax Leh)

0
Wiil Muqdisho loogu dilay gool uu dhaliyay dartiis (Dhacdo Argagax Leh)

Muqdisho (NSH)- Askari katirsan ciidamada dowladda Somaliya ayaa wiil dhallinyaro ahaa ku dilay xaafad ku taalla degmada Kaxda ee gobalka Banaadir.

Marxuumka ladilay oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaana Cadullahi Cismaan ayaa gool ka dhaliyay wiil ay kubbad ciyaarayeen, waxaana goolkaas ka carooday wiilkii kasoo horjeeday isagoo taas beddelkeeda doontay walaalkiis oo askari ah.

Askariga ayaa rasaas furay waxaana rasaastaas ku naf waayay Cabdiraxmaan oo aan waxba galabsan.

Hooyada dhashay wiilka ladilay oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay iney argagax santahay isla markaana layaab ku noqotay arinta wiilkeeda lagu dilay maadaama aan dhacdadaan oo kale horey loo arag.

Halkan ka daawo wareysi lala yeeshay hooyada dhashay wiilka la didlay