Wiil injineernimada jaamacadda uga qalinjabiyay haddana kabaha tirtira (Warbixin Gaar ah)

0

Addis Ababa (NSH)- Chekole Menberu, oo hadda 27 jir ah, rajo weyn ayuu lahaa markii uu labo sano ka hor jaamacad ku taalla Itoobiya uga qalinjabiyay cilmiga injineernimada kiimikada.

Wuxuu hammiga ku hayay in marka uu waxbarashadiisa dhammeysto uu heli doono nolol hilmaamsiisa dhibaatadii iyo faqrigii uu soo maray.

Muddo sannado ah ayuu waddooyinka ku nadiifinayay kabaha, si uu kharash ugu helo waxbarashadiisa.

Isagoo aad u da’ yar, ayuu Mr Chekole billaabay inuu shaqo raadsado, uuna waddooyinka ku wareego.

Halkan ka daawo warbixinta oo BBC-da aan ka soo xigganay