Wayne Rooney oo ka mid noqday macallimiinta Derby County

0
Wayne Rooney oo ka mid noqday macallimiinta Derby County

Kabul (NSH)-Xiddigii horre ee xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Man Chester United Wayne Rooney ayaa dib ugu soo laabanaya dalkiisa hooyo, kaddib markii heshiis uu la galay kooxda Derby County oo ka mid ah kooxaha ka cayaarah horyaalka labaad ee Ingiriiska.

33-jirkan ayaa qandaraas sannad iyo bar la saxiixday kooxda Derbi waxaana uu ka mid noqonaya macalimiinta kooxda, sida uu sheegay warsidaha Daily Mail.

Rooney ayaa hadda u cayaaraha kooxda DC united ee dalka Maraykanka, waxaana kooxdaas uu ka soo tegi doonaa horaanta sannadka 2020-ka.

Wayne Rooney ayaa heesta rikoorka cayaaryahanka ugu gool dhallinta badan xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Man United.

Noosheeg.com

Danguudtv@gmail.com