WASAQ

0
WASAQ
W/Q: Paulo Coelho

Lammaane aad u da’ yar ayaa markii ay bisha malabka ka bexeen waxa ay u guureen hoy kale. Waxa ay degeen guri ay reer kale deggen yihiin, halkaasna waxa ay ku yeesheen deris cusub. Habeenkii koowaad ee ay guriga ku hoydeen ka dib, subaxnimadii iyagoo miiska cuntada fadhiya oo quraacanaya, ayey xaasku aragtay haweeney deriskeeda ka mid ah oo dhar ay dhaqday bannaanka ku wereysa. “Dharkan wasaq ayaa lagu gooyey oo aad nadiif uma aha; maba garaneyso sida dharka loo dhaqo. Malaha waxa ay u baahan tahay saabuunta dharka.”

Ninkeeda oo la fadhiyey ayaa daymooday balse faalladeeda hadal kuma darsan, wuuna iska aamusay. Mar kasta oo islaanta deriskeeda ah ay dhar dhaqdo isla markaana ay xarigga ku werto, xaaskan yar waxa ay ku celcelisaa isla faalladii hore, iyadoo moodeysa in aysan seygeeda hore ugu sheegin.

Bil ka dib, ooridii ayaa ashqaraartay. Waxa ay aragtay haweeneydii deriskeeda aheyd oo xariggii ay dharka ku weri jirtay ku soo tixday dhar aad u dhaldhalaal badan oo ay dhaqday. Odaygeedii ayey ku tiri, “Fiiri, ugu dambeyn waxa ay baratay sida wanaagsan ee wax loo dhaqo. Waxaanba la yaabbanahay cidda bartay ee ka duceysatay.”

Odaygeedii ayaa ugu warceliyey, “Saaka markuu waagu bikaacay ayaan ka toosay, ka dibna waxa aan nadiifiyey daaqadeheenna.”

Noloshuna waa sidaas oo kale… Markaan dadka kale fiirineyno, wax kastoo iyaga nooga muuqda wax ay ku xiran yihiin hadba sida ay u eg yihiin daaqadaha aan ka daawaneyno.

Sidaas aawgeed, ha ku degdegin in aad dadka kale xukmiso, gaar ahaan marka aragtiyahaaga nololeed ay ku dahaaran yihiin caro, hinaaso, tabnaan ama han aan hirgalin.

“In aad qof xukmiso kama turjumeyso cidda uu qofkaasi yahay. Waxa ay ka turjumeysaa cidda aad adigu tahay.” Subax wanaagsan!

W/T: Ibraahim Nolosha