Warbixin: Macallinkii lagu xiray Gaalkacyo iyo Garowe

0
Macallinkii lagu xiray Gaalkacyo iyo Garowe

Macallin Faraxaan oo 75 cesho Ku xirnaa Xabsiyada Galkayo iyo Garowe oo 12 saac qol naafto laga buuxiyay ilaa jilbaha gaaraysa ku xirnaa ayaa xalay la kulmay.

41 barri ayuu containar mugdi ah oo aysan marawaxadi ku xirnayn ku jiray magaalada Kalkio.

maalmaha kale wuxuu ku xirnaa garowe. Wuxuu la xirnaa, Tagsiile, hilible, iyo nin qubuuraha qoda iyo rag kale oo 3 kamid ah lagu helay in ay ka danbeeyeen kufsigii iyo dilkii Caasho ee argagaxa lahaa ee magaalada Galkio ka dhacay.

Looma ogalayn in uu ehelkiisa la soo xiriiro ama ay la xiriiraan, qareen looma qabanin.

wuxuu cuni jiray bariis qarax ah, dhaqatar looma keenin abid.

Inta aan macallin Farxaan la xirin 4 bilood ka hor ayuu Xamar ka tagay markuu shaqo ka helay jaamcadaha Redsea iyo Kalkio, kulliyadhood caafimaadka.

Xabsiga Garowe wuxuu ku soo arkay dhallinyaro Reer Koonfur galbeed ah oo aan waligood maxkamad la taagin; kuwa waxaa la qabtay ayaga oo tahriib u socda, kuwa waxaa la qabtay ayaga oo ganacsanaya. waxaa ku jira kuwo 5 sano ka badan xiran maxkamad La’aan.

Sidoo kale, wuxuu ku soo arkay dhallinyaro reer Galmudug ah oo burcadbadeed loo haydto oo niman caddaan ah ay dalal kale ka soo baddaleen laakiin nolol xumo xabsiga ku hayso; Xirfadihii loogu talagalay in la baro iyo dhaqaalihii lagu talagalay in noloshooda lagu dabbaro ay leexsadeen sharaakiish xabsiga.

dhallinyaradan waxay codsanayaan in Xabsiyada Federaalka loo soo wareejiyo.

Macallin Farxaan 75 caana maal kadib xabsiga Garowe oo 7km u jira magaalada ayaa Albaabka laga furay. waxaa lagu yiri is ka bax.xitaa gaariga xabsiga magaalada laguma keenin.

Xabsiyada ku yaala Puntland, Kalkio, Bosaaso, iyo garowe ha loo furo saxafiyiinta, hay’adaha xuquuqul insaanka iyo xeer ilaaliyaasha Federaalka iyo qareenda.

Waxa uu macallin Farxaan ku soo arkay xabsiyadaas waa wax laga naxo.

W/Q:Ahmed Abdihadi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid.