Wararkii ugu dambeeyay Xiisadda ka taagan Beledweyne

0
Yuusuf Daba-geed oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan

Beledweyne (NSH)-Magaalada Beledweyne ee xarruta gobalka Hiiraan, waxaa ka taagan xiisad kaddib markii uu diiday inuu xafiiska baneeeyo guddoomiyihii horre ee gobalka Yuusuf Axmed Hagar oo Sabtidii shaqada laga eryay.

Yuusuf Dabageed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu uusan xilka ka degi doonaan isla markaana uu yahay guddoomiyah sharciga ee gobalka Hiiraan ka arrimiya.

Maleeshiyaad taageersan ayaa ku sugan xarrunta gobalka Hiiraan, waxaana maanta magaalada ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo xil ka qaadista Yuusuf Dabageed.

Duqa cusub ee loo soo magacaabay gobalka Hiiraan ayaa hadda deggan guriga martida ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyihii horre ee gobalka Hiiraan ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay soo faragaliso xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne.

_NOOSHEEG.COM
_NOOSHEEG@LIVE.COM