Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka u dhexeeya Raysal wasaare Kheyre iyo Ahlu Sunna

0

Muqdisho (NSH)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is heshiish hordhac ah ay gaareen masuuliyiinta Ahlusuna iyo R/Wasaare Xasan Cali Kheyre sida la sheegay kadib markii maalmihii dambe uu khilaaf u dhexeeyay.

Kulamada labadan dhinac oo saacadihii la soo dhaafay ahaa kuwa isdaba joog ah ayaa xalay la soo gabagabeeyay, waxaana lagu gaaray heshiish is afgarad ah, sida ay KNN u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Madaxda Ahlusuna iyo R/Wasaare kheyre ayaa isla gartay in howlihii ka socday magaalada Dhuusamareeb ay sidooda ay sii ahaadaan, islamarkaana deegaanada Galmudug la geeyo ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb laga celiyay diyaarado waday ciidamo ka tirsan dowladda, kadib markii ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho.