Waaberi iyo Dharkenley oo Khamiista cayaari doona Fiinaalka koobka degmooyinka

0
Kooxda Waaberi shan jeer ayey fiinaalka degmooyinka kubadda cagata yimaadeen saddex jeer ayey qaadeen

Muqdisho (NSH)-Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay in cayaarta fiinaalka ee tartanka kubadda cagata ee degmooyinka gobalka la qaban doono maalinta Khamiista oo ay bisha December tahay shan.

Shir jaraa’id oo saxaafadda u qabatay gudddoomiye ku-xigeenka gobalka Banaadir Basmo Caamir ayey ku sheegtay in cayaarta fiinalka ay dhici doonto Khamiista.

Cayaarta fiinaalka tartanka waxaa isugu soo haray kooxaha Waaberi iyo Dharkenley.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Guddoomiye ku-xigeenka 

Dhinaca kale, Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah soo gaaray cayaartoy kubadda cagta oo ka yimid dalka Australia, kuwaasoo cayaaro saaxibtinimo la yeelan doona kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Kooxdan Kubadda cagta ee ka timid Australia, ayaa toddobaadkii horre ka degay magaalada Garowe ee xarrunta Puntland, waxaana ay joogi doonaan magaalada Muqdisho muddo tobaad ah.

Cayaartoydan Soomaalida oo u badan dhallinyaro aan waddanka horrey u arkin ama aan ku dhallan ayaa horrey labo jeer u yimid, waxaana cayaaro saaxibtinimo ay la yeesheen kooxaha kubadda cagta ee dalka ka dhisan.

_NOOSHEEG.COM_
Soomaalikabe@gmail.com