Waabari iyo Yaaqshid oo galabta lagu furi doono Rubuc dhammaadka tartanka kubadda cagata

0
kooxda Waabari oo ah kooxda heesta horyaalka kubadda cagata gobalka banaadir

Muqdisho(NSH)-Galabta waxaa garoonka loogu magacdaray duqii horre ee gobalka Banaadir allaha u naxariisto Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ee degmada Cabdicasiis ka billaaban doona wareegga sideed dhammaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir.

Degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid ayaa billaaban doona wareegga loogu gudbayo wareegga semifinalka ee tartanka.

Kooxda Waaberi oo tartanka daafacaneysa ayaa la cayaari doonta kooxda degmada Yaaqshid oo finaalka tartanka gaartay 2011-kii, basle aan wareegga 8-da kasoo gudbin afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Kulankan ayaa fallanqeeyayaasha Sports-ka, ku tilmaamay mid u dhexeeya xoogweynta tartanka.

Lama saadalin karin waxa uu dhammaan doono kulanka, balse kooxda Waaberi waxaa lagau naaneesaa Brazil-ka Soomaaliya.

Maalinta Arbacada ayaa la soo gabagabeen doonaa wareega sideed dhammaadka, berri oo Isniin: Shingaani vs Heliwaa
Talaado: Hodon vs Xamar Jajab
Arbaco: Shibis vs Dharkenley