Waa kuma ninka ragga ahi?

0

Meel madal ah oo gole rag isugu yimid ayaa laysku weydiiyey“ Waa kuma ninka ragga ahi?“

Weydiintan ayaa ninba si uga falceliyey, layskumase raacin ilaa nin oday ah oo daan ku cirroole ah Abwaan ah oo ab iyo dhaqanba yaqaan dad iyo deegaana ku xeeldheer loola tegay.

Raggii ka halceliyey ayuu waydiiyey maxaad ku sheegteen? Waxa ay dhaheen?

Ninka ragga ah waxaannu ku sheegnay tilmaamahan.
1. Geesi
2. Deeqsi
3.Codkar
4.Gar yaqaan
5. Nabbadoon
6: Hoggaamiyaha

Iyo tilmaamo kale oo wanaagsan oo midba habdhaqanka qofeed meel ka soo gelayso.

Ninki odayga ahaa ayaa yidhi:

Intaad sheegtay waa tilmaamo ninka ragga ahi inuu yeesho dhacda, waana dhacdaa waase dhif nin isku hela intaas oodhan.

Haddaadse nin ragga maqashaan waa ninka laga helo tilmaamahan:

1. Nin shisheeyaha u nacab ah
2.Nin Sokeeyaha u nacas ah( Soomaali)
3.Nin gurigiisa u. Naag ah!

Waxa ay nimankii weydiiyeen labada kale garanee sidee buu guriga Naag ugu noqonayaa??

Ninkii odayga ahaa ayaa yidhi:
Ninka maalinta ay xaaskiisu garab ka rabto u gurmada, ee markay bugto baxnaaniya, hawshii ay qaban jirteyna aan la tebin, haddii ay xoolo tahay iyo haddii ay dhardhaar tahayba, ubadkiisana baahi tira, haddii ay u gefto aan ka cad goosane ka gudba, magaceeda weyneeya, xumaheedana qariya iyo dhaliisheeda, ninkaasi gurigiisa waa u naag oo xiniinyo uma adeegsado waa halkii maahmaahdu ka lahayd“ Nin ragga naagi ka adag, Nin liidna naag ka adag“

Tilmaamahan ninka yeesha ayaa guddoontey NIN RAG AH, balse ninkii aan lahayni maaha nin rag ah, ragganimadu maaha hab dhismeedka jidhka, xubnaha taranka iyo hubqaadka ee waa habdhaqan iyo alab ka duwan kaas.

Haddaba haddaad dooneyso wiiloow inaad noqoto nin rag ah oo xila saamad ah dalka iyo dadkana waxtara, qoyskiisana horumariya yeelo tilmaamahan.

Haddaadan lahayna ogoow inaad tahay nin liid iyo mid aan gudan karin xilka qoyskiisa, nin qoyskiisa xilkiisa gudan waayeyna mid bulsho waa gabay oo gudan maayo.

Ha lugeyn gabdhaha ee sidaada doob isaga ahoow haddaadan gurigaaga Naag ka noqoneyn.

Naagnimadu waa karti gabdhuhu dheer yihiin ragga, waayo ogoow nin kasta oo xun waxaa dhashay oo korisay naag, waxaana u dhaxday naag, dulqaadka iyo awoodda gegsiga ee haweenka ma yeelan karaan raggu sidaa awgeed erayga naagi maaha wax liita ee waa wax aan ciddina gaadhi karin.

Haddii aan gabdhaha ku gubaabiyey guurka inay fududeeyaan waa inaan wiilashana ku gubaabiya inay dhaqan wanaagsan yeeshaan.

W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr