Waa kuma madaxweynaha cusub ee dalka Tunisia?

0
Kais Saied has promised to fight corruption and support decentralisation [Zoubeir Souissi/Reuters]

Tuunis waxa ay dooratay Madaxweyne af Carabiga si fiican ugu hadla. Waa iga yaabiyey.

Waa abwaan afyaqaana. Intaas waxaa u sii dheer ma aheyn xisbi. Sidoo kale, ma adeegsan maalgalinta hantida guud iyo midda gaarka ah ee ku baxda ololaha doorashooyinka dalkiisa.

Waxa uu dadka ku la hadlayey af aad u fudud, oo waliba dhisan. Waxa uu ballanqaadday in uu awoodda maamul ku soo celin doono gacanta Shacabka. In uu garsoorka dalka Tuunis wax ka qabanayo. In uu anshaxa iyo dhaqanka diinigaa ee reer Tuunis leeyihiin uu ilaallin doono. In uu mas’alada dhaxasha ee ragga iyo dumarka u dhexeysa uu u deynayo sida Rabbi SWT yiri, oo cilmaaniyiinta xagjirkaa warkooda uusan wax ka soo qaad laheyn. In Israa’iil xiriir la la yeesho uu ka biyadiiddan yahay. Waa shakhsi qareena, af Carabigana ka dhisan, oo aan la mida aheyn kuwii hore oo marka ay hadlayaan aadan kala garaneyn in ay af Carabi ku hadlayaan iyo in ay af Faransiis ku hadlayaan. Reergalbeedku aad ayey uga naxeen masuulkaan cusub ee Tuunis.

Dadka Tuunis waa dadka haatan ugu ilbaxsan Waqooyiga Afrika. Waa dad deggan oo tacliinta iyo ganacsiga aad ugu wacan. Marookaanka, Aljeeriyaanka, Liibiya iyo Masaarida hoos ayey u eegaan, oo waa dad dhinac walba uga fiican.

W/Q:Cabdicasiis Maxamed Shidane