Usain Bolt oo ka rajo dhigay hammigii uu ka lahaa kubadda cagta

0
Usain Bolt oo isdhiibay kaddib markii ay soo dhammaatay riyadiisii ahayd inuu noqdo cayaaryahan kubadda cagta ka xamaasha

Madrid (SK)-Usain Bolt oo ah cayaaryahanka ugu caansan orodada ayaa sheegay inuu ka rajo dhigay qorshihiisa ahaa inuu noqdo cayaaryahan caan ku ah xirfadda kubadda cagta.

Ninkan u dhashay dalka Jamayka ayaa sheegay kubadda cagta in aysan isku fiicneen maadama uu ka caalwaayay isla markaana uu doonayo inuu cayaaraha dhammaantood uu faraha ka qaado.

Cayaaryahankan 32-jirka ah ayaa sideed jeer ku guuleystay billadda dahabka ee cayaaraha Olombikada, waxaana uu dhawaan heshiis la galay koox ka dhisan dalka Australia oo lagu magacaabo Central Coast Mariners, balse waxa uu ka tagay bishii Nofember kaddib markii kooxda ay bixin weysay qarashkii uu kubadda ku cayaari lahaa.

“Aad bey u fiicneed howlaha sidii ay u socdeen, basle arrimuhu sidii la rabay uma wadadhicin”ayuu yiri Usain Bolt.

Wuu sii hadlay “Waa nooshahay, Waxna waad baran, waa tallaabo fiican”

Bolt ayaa intii uu la joogay kooxda Mariners waxa uu dhaliyay labo gool oo kaliya, Sidoo kale waxa uu tababbaro la soo qaatay intii uu isku dayay inuu kubadda cagta meel ka galo kooxda Norwegian-ka Stromsgodset iyo kooxda ka dhisan dalka Jarmalka ee ka cayaarta horyaalka Bundesliga Borussia Dortmund.

Bolt, ayaa cayaaraha orodka ka fadhiistay 2017 isagoo weli heesta rikoorka100m iyo 200m ee oradka adduunka, waxana uu sheegay in la gaaray xilligii uu soo gabagabeen lahaa xirfadda kubadda cagta mar haddii ay ku soo oodmeen kubadda cagta.

_SOOMAALIKABE_
[email protected]