Taarikhda Abwaan Sangub oo ku geeriyooday Addis Ababa

0
Abwaan Sangub oo ku geeriyooday Addis Ababa

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Singub Alle ha janneeyo , sannnadkii 1944 ayuu ku dhashay deegaanka Dhagaxbuur , gobolka Jarar ee dhulka Soomaali galbeed , halkaasi ayuu muddo ka ahaa Geeljire markii uu kacaamay sidoo kalena wuxuu bartay isla waqtigaasi Quraanka Kariimka ah oo uu dhammeeyey.

Waxa jirtay in yaraantiisii mar uu dab ku dhacay ka dibna Sinta midig uu ka gubtay sidaasina ay dhallinyaradii deegaanku ugu bixiyeen magaca Singub wallow markii dambe dadku ay ugu yeedheen Sangub oo uu magacaasi u caan baxay.

Waayihii uu Geelijiraha ahaa Singub wuxuu caan ku ahaa ciyaar dhaqameedka Dhaantada loo yaqaanno , sidoo kalena goobaha la iskugu yimaado ayuu ka gabyi jiray .

Bilawga sannadkii 1961 ayuu yimi magaalada Hargeysa oo ay markaasi ka jiraan kooxdii walaalaha Hargeysa oo xaruntoodu tahay Raadyaw Hargeysa muddo kooban ayuu la joogay, isla sannadkaasi ayuu u soo wareegay magaalada Muqdisho , waxaana markii koowaad uu tartan faneed ka galay Raadyaw Muqdisho , iyada oo loogu sheegay macnaha Tartanka oo ku cusbayd inay tahay Baratan oo uu isagu fahmi karaayey .

21 Qof ayey tartanka ku galeen waxaana ka soo baxay isaga (Singub) iyo nin Quraan ku tartamayey oo loo qaatay Raadyaw Muqdisho.

Cismaan Kaahin , Fiqi Buraale , Cali Afyare rag ay ka mid ahaayeen ayaa tartanka qaadayey .
Isla sannadkaasi ayuu Abwaan Cali Sugule Duncarbeed ku daray inuu wax ka tamale Singub riwaayad uu lahaa oo la odhan jiray “Hooseeye Saroow Hanuunintaa“ waxaana riwaayadda waxa ka jilaayey Maxamed Cabdulaahi Gujis , Habboon Cabdulaahi Faarax iyo Cabdulle Raage. dhammaantood Alle ha janneeyee.

Sannadkii 1964 ayuu Abwaan Singub uu ku biiray ciidamada xoogga Soomaaliya isaga oo weli Gabyaa uun ah, amar uu bixiyey taliyihii ciidamada xoogga dalka General Daa’uud Cabdulle Xirsi waxa loo qaaday Singub iyo dad kale dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida , waxaanu ka dagaalamay deegaanka Ina –guuxaa oo u dhexeeya Daroor iyo Sallaxley halkaasi oo uu ku dhaawacmay.

Markii dagaalka laga soo laabtay waxa kooxdii fanka ee ciidamada ka tirsanayd loo bixiyey kooxda xoogga dalka , waxaana guddoomiye u noqday Cismaan Aadan Xuseen “Cismaan Askari” . sidoo kale waxa ka mid noqday Cabdi Salaad Beerdilaacshe , Habboon Cabdulaahi Faarax , Saynab Xaaji Cali Baxsan Maxamuud Cabdullaahi Singub iyo dad kale .

Abwaan Singub sida uu ku sheegay taariikhdiisa Abwaan Cismaan Askari ayaa gacan ka siiyey inuu fankiisu sii horumaro , waxaanu baray sida heesaha Baydadkooda la iskugu jaangooyo iyo sida loo allifo geeraaro kooban oo dhexgeli kara riwaayadaha.

Kooxda ayaa dhigtay markii koowaad riwaayaddii u horreysay oo la odhan jiray “Ma maantana” oo ka hadlaysay dagaalka Soomaalida iyo xabashida u dhexeeya , waxaana ku jirtay heesta Shicibyahow wanaagsani oo ay markii koowaad qaaday Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma).

Sannadkii 1965 ayuu Abwaan Singub allifay riwaayaddii u horreysay oo magaceedu ahaa (Naga guur ) oo uu kaga hadlaayey in Ingiriisku weli faragelin ku sii hayo Soomaalidii uu xornimada siiyey , waxaana riwaayaddaasi la qurxiyey Abwaan Cismaan Askari oo macallinkiisa ahaa , Baxsan , Dhagjar, Beerdilaachse, Meecaad Miige ayaa ka mid ahaa dadkii jilay.

Suugaanta Abwaan Singub waxa bulshadu aad u aqoonsatay markii uu isla sannadkaasi 1965 uu mar kale soo bandhigay riwaayadda “ la mood noqonse weyday “ oo uu kaga hadlaayey dhulka NFD oo uu sheegayey in uu filanayey markii hore inay soo raacayaan Soomaaliya balse ayna u muuqanin saansaanteedii, waxaana riwaayddaasi ku jiray heesta Sabaalo oo ay wadaqaadeen markii koowaad Cali Diiriye Cali gab oo ka tirsanaa kooxda xoogga dalka iyo Saynab Baxsan.

Sidoo kale isla sannadkaasi ayuu allifay Abwaan Singub hees aad loo jeclaystay oo la yidhaahdo” Cirro Iyo Jacaylkii kala caaganaan jiray ,anaa Caawa labadaba la caweysimaaya’ taasi oo ay qaadday Baxnsan oo iyaduna ahayd jacaylkii koowaad ee ay ka heestay.

markii ay dhalatay dowladdii kacaanku ee la isku daray saddexdii Kooxood ee labada idaacadood ee Muqdisho iyo Hargeysa iyo weliba kooxdii xoogga dalka oo ay isku noqdeen tiradoodu 63 qof oo dhinacyada kala duwan ee fanka isugu jira . Abwaan Maxamed Cali Kaariye iyo Abwaan Singub waxay isku raaceen in magaca Waaberi kooxda loo bixiyo, waxaana la sheegaa in magaca uu markii hore keenay Kaariye ka dibna uu kala tashaday Singub sidaasi yeyna kooxdii ku qaadatay magaca Hobolada Waaberi.

Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise wuxuu allifay heeso iyo riwaayado kala duwan kuwaasi oo ay ka mid ayayd silsiladii jacaylada ee saddexda riwaayadood ka koobnayd ee Qabrigii Jacaylka, Xuskii Jacaylka , iyo Xuudbaa liqay Jacaylka, sida ku jirtay taariikhda riwaayadda Qabrigii Jacaylka oo ka hadlaysay qisadii Cilmi Boodhari se uu magaca ka bedelay si ay xiiso u yeelato waxa la dhigay 282 habeen ilaa markii dambe loo bixiyey magaca Qabrigii lacagta,

Sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadays , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal), iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaa Dhagaduub, Geel Xero ka Didis , Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa, Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahay iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub sidoo kale wuxuu noqday Maamulaha tiyaatarka Hargeysa ,labadii riwaayadeed ee u dambeeyey ee caanbaxay waxay ahaayeen Qaybyo1 iyo Qaybyo 2, oo allifay burburkii Soomaaliya ka dib

Waxaana la sheegaa inuu ahaa Abwaanka labaad ee Soomaali ugu riwaayadaha badan isaga oo uu ka horreeyo uun keliya Axmed Saleebaan Bidde.

W/Q:Cumar Seerbiya