Soomaaliya magacii MAS’UUL waa la Muuno tiray

0
Astaanta calanka Soomaaliya oo aad looga xiiseeyo Jigjiga

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka ka talin jirtay, dalka Somaliya wuxuu galay xaalado aan qiyaas laheyn, qaar ugub yihiin, kuwo lag naxo, anfariir iyo amakaag kuwo kugu reebaya, maadeys kuwo noqday, murugo iyo mooral-dilaac kuwo dadka ku beeray.

Aan soo qaato mid ka mid ah waxyaabaha, layaabka leh ee burburkii dowladnimada kadib la dhaxlay.

Waxyaabaha sida ba’an xaqiisa loogu tuntay waxaa ka mid ah ereyga ”MAS’UUL”, hadda waxuuba iska noqotay, wixii nin xil mooday nin kale xarago ka dhigtay.

Eryga Mas’uul waa “Afcarabi”, waxeyna ka micna tahay:”Midkii wax la su’aalayay”. Si kale, waa midka mas’uuliyadda loo dhiibtay wax laga weydiinayay. Hadda, imisa Mas’uul ayaad taqaannaa?, maka mid tahay?, ma jirtaa cid mas’uuliyadaas wax ka weydiisa?, weli waxaan sugeynaa Mas’uul inta danbi lagu soo oogay kadib maxkamad xukuntay!

Maadaama Somaliya aysan jirin hab sare oo lagu xusho Mas’uulka, marka laga reebo adiga xigee i xambaar!, Waxaa Mas’uul noqday, kuwo kusoo guul dareystay mas’uuliyaddii ugu horreysay ee reerahoodo. Qaar qoysaskooda burburay, caruurtooda qaar dayacay iyo kuwo aan xilba iska saarin xaajadooda.

Kuwaas oo an tiro laheyn, waxay maanta yihiin mas’uuliyiin sarsare. Waxaa loo wakiishay masiir dhan oo umad leedahay, kuwo la mid ahna waa xildoon la xoortoonaya xoolo aysan xabbad ku laheyn. Goormaa ayaa garaadku shaqeyn doonnaa waa la GO’AYE?!!

Tiisa daryeele baa tu kale wax ku dara, nin soo GABAY mas’uuliyadda reerkiisa sidee mid kale wax ugu dari karaa?. ” Ayaan is weydiiyay!”

Natiijada la filan karo, waxay noqoneysaa sida uu reerkiisa u dayacay in uu u dulleeyo umaddi wakiilka looga dhigay.

Kaba sii darane, kuwaas aan soo xusay, in qabiil ku ayidda, kuwa qaab qiireed ugu qiilisa, iyo qaar qariya lama weynaayo.

Waa nasiib darro weyn, in shaqsiga mas’uuliyadda loo dhiibanayo in aan aqoontiisa, aqoolkiisa iyo aadaabtiisa aan waxba la iska weydiin, asii keliya loo fiiriya XIGTO ma yahay ama XOOLO ma heystaa.

Inta habac, hanfade, hacoo, hode, hoorri iyo halaage la moodayo HOGGAAMIYE hubsiimo la’aan, wallee guuldhow iyo gallado badan lama gaaro.

W/Q:Abdinasir Safaana

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid