Sidee ku noqon kartaa Say wanaagsan?

0

Akhristow ku soo dhawow 10 qodob oo fure u ah Say Wanaagsan.

Noqoshada Say wanaagsan waxay qayb ka tahay ahmiyda iyo guushs guurka. Waxaynu ognahay in guurku yahay xiriir dhameystiran dhan kastana ka buuxa oo dhexmara laba qof oo isdoortey oo Rag iyo Dumar ah si ay ALLE ugu faraxgaliyaan, isugu huraan nolasha oo qofba kan kale uu caawiyo, taasi oo loo sameynayo ALLE dartiis, iyadoo maankana lagu hayo taa ayaa haddana qodobadan waxay qayb ka qaataan sidii ninku ku noqon lahaa Say wanaagsan arrimahana ay ka saacidaan.

1. U qurxoonow marwadaada/xaaskaaga:

Inaad u qurxoonaataa, u labiisataa xaaskaaga, nadiif u noqotaa jir iyo dhar ahaan, u soo caraftaa waa qodobada ugu horreeya ee qayb ka dhiga taaba-galka in ninku uu noqdo Say wanaagsan, si la mid ah sida ninku uu u doonayo in xaaskiisu u qurxoonaato, labisto u soo udgoonaato ayey si la mid ah xaaskuna u baahan tahay in uu u noqdo Saygeeda, maskaxda ku hay dhaqankii suubaanaa ee Nabigeenna Muxamed CSW ee mar kasta oo uu gurigiisa imaanayo waxa ugu horreeya ee sameeyo wuxuu ahaa cadeyga, isagoo jeclaa in markasta jeclaa waxa carfoon.

2. Xaaskaaga magacyo la jecel yahay ugu yeer:

Ugu yeer xaaskaaga magacba magaca uu ka qurxoon yahay, Nabigeenna Muxamed (Sal Allahu calayhi wa sallam) wuxuu magacyo u gaar ah ugu yeeri jirey xaasaskiisa, sidaa awgeed ugu yeer xaaskaaga magacyada loogu jecelyahay, iskana ilaali magacyada wax u dhimaya dareenkeeda.

3. Qirro wanaagga, kuna adkeyso:

Ha ulla dhaqmin xaaskaaga inay tahay cayayaanka duula sida duqsiga ama kaneecada waayo uma fakarno in cayayaankaasi noogu jirto nolol maalmeedka illaaa ay na qaniinnaan, xaasku waxay u sameysaa ninkeeda maalin kasta wax wanaagsan balse saygeeda aanu siin wax tixgalin ah, laakiin taasi waxay imaanaysaa marka uu u fiirsado ficil xun oo ka dhaca kass oo isaga dhibaya, xikmad Masaaridii
hore laga soo gaaray ayaa leh “waanaga araggiisa waxaa ka badan xumaan yar tilmaamteed.

Xaasku waxay istaahishaa in loo tixgaliyo waxa wanaagsan ee ay sameyso taaso oo Sayga wanaagsan looga baahan yahay inuu yoolkiisa ka dhigo.

4. Ha ku qaylin haddii ay qalad gasho indhaha ka eeg:

Haddii aad aragto ama dareento in xaasku qalad ka dhacay ama gashay, ugu horreyn isku day inaad isdajiso, aadan ku qaylin, deg degna ha uga jawaabin, Nabigu CSW marka uu arko qalad ka dhacay xaasaskiisa si xirfad leh ayuu u dareensiin jirey qaladkaas.

5. U dhoolo caddee xaaska:

U qosol mar kasta oo aad aragto xaaskaaga, taasi waxay u yeelaysaa dareen ay ku qushuucdo, dhoolo cadeyntu waa sadaqo, xaaskaaguna dadka muslimiinta ah ee dhoolo caddeynta iyo wajiga furan sadaqadda looga dhigay kagaama duwana.

Bal qiyaas nolashaada marka ay iyadu kuu dhoolocaddeyso, waxaa jirra xaddiis muujinaya in Nabigu CSW uu shumin jirey xaaska marka uu salaada u socdo xitaa haddii uu sooman yahay, waa laga yaabaa halkaasi inay culimadu ku kala aragti duwan tahay oo mad-habaha Islaamku si kala gooni ah u fasariyaan xaddiiskan.

6. U Mahadceli:

U mahadceli wax kasta oo ay kuu sameyso, mar kale u mahad celi, tusaale ahaan marka ay cuntada diyaariso, ka waran cunto nadiif ah oo cusub, guri ay nadiifisay iyo hawlo kale oo badan oo ay adiga kuu sameysay miyaanay mudneyn ereyada qalbiga u roon sida, “Mahadsanid”, “ILAAHAY ha kaa abaalmariyo” “Kheyr ALLAHA ku siiyo”, waxaa dhacaysaa iyadoo cunto dhinac kasta u diyaarsan kuu diyaarisay waxa ugu horreeya ee aad dareentaa ay tahay cusbo ama liin dhannaan aad maraqa ugu baahatey, laakiin aad ilowsan tahay qofka waxaasi oo dhan diyaariyey inaad dhaho ” Mahadsanid Gacaliso”.

7. Farxad gali:

Marmar qor kuna dheh tobankii waxyaalod ee aan kuu sameysay ee ku farxada galiyey ii sheeg, markaasi ka dib tag oo samee waxyaalahaasi, adiga waxay kugu noqon kartaa dhib inaad soo wada xusuusato waxyaabo badan oo aad u sameysay xaaskaaga oo farxad galiyey, laakiin iyada qalbigeeda ayay ku qoran yihiin intii waxyaalood ee aad farxada ugu beertay, ma waangsana innaad ciyaarto kaarto aad u cabirayso (qiyaasayso) farxad galintaas iyada waydii ka dibna ku daddaal inaad ku celceliso nolaashada waxyaabahaasi inaad u sameyso.

8. U naxariiso:

Waxba ha yareysan, u naxariiso xaaskaaga, marmar Raggu hoos uma eegaan naxariista iyo codsiga xaasaskooda, u soo qaado tusaale dhacdadan Nabigenna Muxamed Rasullullah (sallallaahu calayhi wa sallam) wuxuu arkay Safiyyah (ALLE raali ha ka noqdee) oo oynaysa waayo waxay u sheegtey in uu saaray Awr ama Rati tartiib u socda l iyadoo arinkaasi ka ilmeysiisay, illintii ayuu nabigu ka tirtiray ka dibna wuxuu u keenay Rati kale.

9. La fara kacayaar oo la kaftan

Kaftanka iyo la cayaarka waa u muhiim farxadda lammaanaha waayo qosolka farxadda huwan waa daawo Nabigeenna Muxamed CSW wuu la ciyaari jiray xaasaskiisa xitaa marmar tartan orod ayuu kula gali jiray meelaha bannaan, akhriste goormaa kuugu dambaysay inaad la sameyso xaaskaaga sidan?

10. Isku day heerka ugu sarreeya uguna fiican

Xusuuso haddaladii Rasuulkeenna Muxamed CSW ee ku yiri ” kuwiinna ugu fiican waa kuwa qoysaskooda ula dhaqma habka ugu sarreeya, anniguna kuwaas ugu fiican ayaan ku jiraa ee sida ugu fiican ula dhaqma reerahooda.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi