Shir looga arrinsano ka bixitaanka ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka socda

0

Muqdisho (NSH)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda shir looga hadlayo qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya, waxaana shirkan ka qaybgalaya saraakiisha sar sare ee howgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo socon doona muddo shan cisho ayaa looga hadlayaa sidii ciidamada AMISOM ugu wareejin lahaayeen ammaanka ciidamada xoogga.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya tagey sannadkii 2006-dii, waxaana markii ugu horre howgalka ahaa in ay ilaaliyaan xarrumaha dowladda iyo in ay fududeeyaan howlaha gargaarka ee Soomaaliya.

Ciidamada ugu horreeya ee AMISOM ee ka baxaya Soomaaliya ayaa waxa ay noqon doonaan ciidamada ka jooga gobalka Shabeellaha Dhexe, sida laga soo xigtay saraakiisha AMISOM.

Waxaa la is weydiinayaa ciidamada Soomaaliya diyaar ma yihiin in ay la wareegaan howgalka AMISOM.

Si kastaba, dad badan ayaa ka cabsi qaba in ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa xukuumadda Asmara in ay baddelaan ciidamada AMISOM ee hadda ka howlgala Soomaaliya, sida uu qabo Maxamed Caalim oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com