Sheekh Kenyaawi oo Muxaadaro ku qabanaya Baydhabo

0
Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo tagey Baydhabo

Baydhabo (NSH)-Sheekh Maxamed Ibraahim Cali oo loo yaqaanno Kenyaawi ayaa maanta oo Isniin ah tagey magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay.

Sheekha oo Muqdisho ka yimid ayaa intii uu joogay waxa uu ku qabtay bandhigyo iyo muxaadarooyin uu dadka ku wacyigalinayo, waxaana bandhigyadiisa ka soo qaybgalayay dadweyne aad u fara badan.

Sheekh ayaa markii uu tagey magaalada Baydhabo waxa uu halkaas kula kulmay madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed waxaana ka mid ah madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ).

Sheekha ayaa lagu wadaa berri in uu muxaadaro ku qabto garoonka kubadda cagta Dr Ayuub Studiom ee magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo maana tagey magaaladaas
_SOOMAALIKABE_
[email protected]