Sawirro: Tartan kubadda cagta oo lagu xoojinayo nabadda oo ka socda Gaalkacyo

0
Tartan kubadda cagta oo lagu xoojinayo nabadda oo ka socda Gaalkacyo

Gaalkacyo (NSH)-Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda tartan kubadda cagta oo ay qaybgalayaan boqolaal dhallinyaro ah kuwaasoo kala matalaya lix iskuul oo ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Tartanka oo ka socda Garoonka kubadda cagta Cabdullahi Ciise ee magaalada Galkacyo, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo nabadgalyada magaalada iyo isku socodka dadka ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Galmudug Cabdi Maxamed Guure ayaa warbaahinta u sheegay in tartankan ay ka qaybgalayaan kooxo matalaya dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Galkacyo.

“Tartankan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo is dhexgalka bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Guure.

Tartanka ayaa waxaa u soo daawasho taga kumnaan qof oo ka kala imaanaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo kuwaasoo xiiseenaya kubadda cagta.

Dhammaan iskuulada ka qaybgalaya tartanka ayaa waxa ay ku yaalaan Koonfurta magaalada Gaalkacyo laakin waxaa dhigta iskuuladan dad kala kala yimid waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkayco.

Qaar ka mid ah dadka soo buux dhaafiyay Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo
Dadweyne soo buuxdhaafiyay Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo si u daawadaan cayaar kubadda cagta
_SOOMAALIKABE_
[email protected]