Sawirro: Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay Hargeysa oo dad ay ku dhinteen

0
Sawirro: Roob Mahiigaan ah oo ka da'ay Hargeysa oo dad ay ku dhinteen

Hargeysa (NSH)-Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhintay dad intaas ka badanna waxaa soo badbaadiyay ciidamada gurmadka degdegga, kaddib markii shaley gabaldhicii illaa iyo xaley fiidkii horre roob xooggan uu ka dayay magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta Somaland iyo duqa magaalada Hargeysa ayaa saxaafadda u sheegay in roobkii ka da’ay magaalada uu sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa laba qof oo koronto ay qabsatay maadama xargaha leyrka ay halis yihiin marka roob uu da’ayo.

Sidoo kale, dadka la badbaadiyay waxaa ku jiray bas ay la socdeen dad badan oo galay meel halis ah kaasoo ay u gurmadeen ciidamada dabdamiska ah.

Dadka la helay waxaa ka mid ahaa nin waalan oo meel doox galay iyo labo carruur ah.

Madaxweynaha Somaliland kormeeray goobaha roobka uu khasaaraha geestay

Waxaa socda baadigoobka dad kale oo la raadinayo kuwaasoo la aamisan yahay in ay biyaha ay qaadeen.

Sidoo kale roobka ka da’ay Hargeysa ayaa guryo badan saqafkii uu la tegay kuwaasoo xaley guryo la’aan ay ku dhacday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegey goobaha ugu darran ee roobka uu khasaaraha ka geestay, waxaana ay ballan qaadeen in ay wax u qaban doonaan dadka dhibka uu ka soo gaaray.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com