Sawirro: Qadar oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Koobka Qaaradda Aasiya

0
Qadar oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Koobka Qaaradda Aasiya

Abu Dubai (NSH)-Dalka Martigalinaya Koobka kubada cagta Adduunka 2020, ayaa markii ugu horreysay ebid ku guulaysatay koobka qaramada Aasiya kaddib markii uu cagta mariyay xulka Japan.

Qadar ayaa 3-1 uga badisay Japan oo horrey afar jeer koobkan ugu guuleysatay.

Guusha Qadar waxaa door weyn ku lahaa cayaaryahan Soomaali ah oo lagu magacaabo Akram Cafif isla markaana dhaliyay mid ka mid ah goolashii xulka uu ku badiyay.

Akram waxaa aabbe u ah Xasan Cafiif Yaxye oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya u soo ciyaaray inta u dhaxeysay 1972-kii illaa 1980-ki.

Akram Cafiif ayaa la gudoonsiiyay kubadda Dahabka maadama uu ka mid noqday cayaartoydii ugu fiicneed ee koobka inta uu socday.

Dabaal dagyo ayaa ka billowday guud ahaan waddamada Carabta sida Qadar iyo Kuwait, waxaana la soo dhaweeyay guusha xulka Qadar ay ka gaareen koobka Qaramada Aasiya ee lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg10@gmail.com