Sawirro: Muqdisho oo ku jirta Xaalad degdeg ah ayaa haddana saaka lagu qabtay tartan orod ah

0
Magaalada Muqdisho oo ku jirta Xaalad degdeg ah ayaa haddana saaka lagu qabtay tartan orod ah

Muqdisho (NSH)-Iyadoo xaalad degdeg ah ay ku jirto magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxaa saaka oo Jimco ah magaalada lagu qabtay tartanka orodka gaaban ee MiniMarathon.

Tartanka oo ay ka qaybgaleen cayaartoy badan oo kala matalayay degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka billowday isgoyska KM4 waxaana la tagayey Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka orodka gaaban, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka halka uu tartanka ka dhacayay oo ah waddada dheer ee Dabka.

Halkan ka daawo sawirrada tartanka orodka ee Muqdisho ka dhacay

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com