Sawirro: Kooxda Horseed oo 18 sanno kaddig ku guulaysatay horyaaalka gacanta

0
Kooxda Horseed oo 18 sano Kadib Hanatay Horyaalka Kubadda Gacanta Soomaaliya

Muqdisho (NSH)-Naadiga kubadda Gacanta Horseedoo ku guuleysatay horyaalka kubadda Gacanta Soomaaliya ee sannadka 2018-19, kadib markii ay kulanki u dambeeyay horyaalka ka adkaataya kooxda ay baratamaan ee Heegan.

Kulanka labada koox oo kala matala Ciidanka Xoogga (Horseed) iyo Ciidanka Booliska (Heegan) ayaa mid xiiso iyo xamaasad watay, waxaana garoonka soo buux dhaafiyay taageerayaasha Labada koox iyo bahda jecel ciyaarta kubadda Gacanta.

Horseed ayaa garoonaka soo gashay iyadoo maanka ku haysa in ay ka baaqsato in ay markale fursad dahabi ah iska lumis,o kadib markii ay sannadki horre Heegan horyaalka oo gacanteeda ku-jira ka ridatay, waxuunna kulanka noqday mid aysan kooxi hoggaanka ku nasan lilaa daqiiqada u dambeeysa wareegga horr,e waxaana qeybtii horre lagu kala nastay 11-10 oo ay Horseed hoggaanka ku hayso.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa labada koox,waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad loogu bogay waxayna ugu dambeyn waxaaa 27-25 ay guusha raacday Horseed oo u dabaal-degtay hanshada horyaalka kubadda Gacanta dalka.

Kooxda Horseed ayaa u dabbaaal degtay markii ugu horreysay horyaalka tan iyo sannadkii 2001-dii, waxaana la guddoonsiiyay koob, halka kaalinta labaad ay gashay kooxda Heegan, kooxda Gift-Star ayaa gashay kaalinta seddaxaad.

Cayaartoyaga ugu wanaagsan tartanka waxaa noqday Maxamed Cabdullaahi Xaaji (Saabweyne) oo ka atirsana Horseed, waxaa ku soo xogay Cali Maxamed Aadan Barawiini oo ka tirsan (Heegan).