Sawirro: Kooxda Dekadda oo ku guuleysatay koobka Super Cup 2019

0
Kooxda Dekadda oo ku guuleysatay koobka Super Cup 2019

Muqdisho (NSH)-Kooxda Dekadda ayaa galabta ku guulaysatay koobka Super Cup-ka Soomaaliya, kaddib markii 3-0 ay uga badisay kooxda dowladda Hoose ee Muqdisho Ex Banadir Sports Club.

Qaybtii horre cayaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaaamineyso kooxda Dekedda, waxaana goolka u dhaliyay cayaayahan Cabaas.

Markii qaybtii labaad la isugu soo laabtay cayaarta, ayaa kooxda Dekedda waxa ay heshay labo fursad kuwaasoo ay labo gool ku dhaliyeen waxaana goolasha u kala dhaliyay Akram iyo Toofiiq.

Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa heshay qaybtii labaad intii ay cayaarta socotay labo gool ku laad balse waa ay iska qasaariyeen.

Cayaarta galabta waxa daawanayay dadweyne aad u fara badan waxaana ka mid ah duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo mas’uuliyiin kale.

Waa Koobkii labaad oo laga qaado kooxdan tan iyo markii loo bixiyay dowladda Hoose ee Muqdisho, toddobaadkii horre ayaa laga qaaday koob lagu maamusayay allaha u naxariisteen weriye Cawil Daahir Salaad oo ku geeriyooday qarax bishii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, macallinka kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur oo loo yaqaano Yuu Cali ayaa labadii sanno kooxda u suuragaliyay in ay hantaan horyaalka heerka koowaad ee kooxaha, waxaana uu hadda ugu daray koobka koobka ee dalka Super Cup.

Halkan ka daawo sawirro dabaal daga kooxda Dekedda ee galabta.

_NOOSHEEG.COM_

[email protected]