Sawirro: Halkee la kala marayaa Horyaalka Kubadda Gacanta Soomaaliya?

0
Lahaanshaha sawirka Hussein Hadafow

Muqdisho (NSH)-Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda tartanka kubadda Gacanta.

Cayaartii ugu dambeesay ee tartanka waxaa shaley isaga hor yimid garoonka Wiish kooxaha Dekedda iyo Heegan, waana kulankii 34-ee horyaalka kubadda Gacanta.

Weriye Xuseen Maxamed Hadaafow oo ku sugnaa garoonka ayaa sheegay in cayaarta ay aad u xiiso badneedd marka la eego bandhigga labada kooox.

Cayaarta ayaa waxaa billowgii dardar aad u xooggan ku soo gashay Naadiga Heegan waxaana qeybta hore lagu kala nastay 13-8.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Heegan waxa ay weerar aana kala go’ lahayn ku qaaday shabaqa Dekedda.

Cayaartoyga la yiraahado Cali Maxamed Aadan oo ku magacdheer Barawaawiini ayaa noqday xiddigii cayaarta isagoo kooxda Dekadda ka dhaliyay 13 gool.

Kulanka labada koox ayaa ugu dambeyn ku soo idlaaday 37-20, waxaa guusha ay ku raacday kooxda Heegan.

Kooxda Heegan ayaa hadda hoggaaminaysa horyaalka iyadoo leh 21 Dhibcood, waxaa ku soo xigta Horseed oo leh 18 dhibcood, laakin waxaa sheegis mudan inuu u harsana yahay haa kulan, waxaana kulanka u dhiman Isniinta ay la cayaari doontaa kooxda Fero.