Sawirro: Guddoomiye Mursal oo Maalintii Labaad ku sugan Garowe

0

Garowe (NSH)-Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxame Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarrunta Puntland, waxaana magaalada ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland iyo xildhibaanno kale.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ka mid ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa sheegay in wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka ay u yimaadeen ka qaybgalka xuska Puntland oo ku beegan 1-da bisha August iyo xiritaanka kalfadhigga 44-aad golaha wakiilada Puntland.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay Garowe inuu u yimid ka qaybgalka xuska 21-aad ee aas-aaska Puntland iyo xiritaanka golaha wakiilada Puntland.

Magaalada Garowe ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarowga aas-aaska Puntland oo ku beegan 1-da bisha August, waxaana magaalada maanta iyo berri soo gaaraya wafuud kala duwan oo ka qaybgaleysa munaasabadaas.

Sawirro

_NOOSHEEG.COM_
Dantaguud@gmail.com