Sawirro: Garsoorayaasha Soomaaliya oo ku shaqeenaya qalabka GPS

0
Garsoorayaasha Soomaaliya ee kubadda cagta oo ku shaqeen doona qalabka GPS

Muqdisho (NSH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay qalabka loo yaqaano GPS Tracking System oo loogu talagalay in lagula socdo dhaqdhaqaaqa garsoorayaasha kubadda cagta.

Waa markii ugu horreysay oo qalabkan loo qaybiyo garsoorayaasha kubadda cagta Soomaaliya, waxaana la sheegay in qalabkan hadda ay ku shaqeen karaan garsoorayasha kubadda cagta Soomaaliya.

Xasan Aadan Yabarow Wiish iyo Macallin Maxamed Cabdulle Farayare iyo Garsoore Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa qaybiyay qalabkan, waxaana ay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in qalabkan uu wax ka badan ka tari doono horumarka kubadda cagta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah garsoorayaasha loo qaybiyay qalabkan GPS Tracking System, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay fursad u helaan in qalabkan casriga ay ku shaqeeyaan.