Sawirro: Burco oo laga hirgaliyay goob lagu dhaqdo Digaaga

0
Burco oo markii ugu horreysay laga furay goob lagu xanaaneeyo digaaga |Lahaanshaha sawirka Musharaf Axmed Cismaan|

Burco (NSH)-Magaalada Burco ee xarrunta gobalka Togdheer ayaa waxaa markii ugu horreysay laga furay xarrun lagu Xanaaneeyo digaaga.

Mas’uuliyiinta xarrunta furay ayaa sheegay in xarruntan ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda oo laga hirgaliyo Burco waana meel loogu talagalay in si casri ah loogu xanaaneeyo digaaga.

Waxa ay sheegeen in xarruntan digaagga lagu xanaaneeyo loogu talagalay in ay soo saarto ukumo badan si magaalada loogu beec geeyo.

War la xiriira: Xaflad lagu soo bandhigayay Buug Jacayl oo lagu kala yaacay (Sababtu maxay tahay?) 

Akhristow, haddaad maqli jirtay Soomaalidu waxa ay dhaqataa Geel, Lo’, Ari ama Fardo oo kaliya, haatan warkii hore war soo dhaaf, oo hadda dhaqashadii waxaa ku soo biiray digaagga, oo xeryo inta loo sameeyay sidaa lagu xanaaneeyaa.

Ukumo baakado ku jira oo la beec geenayo waa Burco xarrun lagu xanaaneeyo digaaga |Lahaanshaha sawirka Musharaf Axmed Cismaan|

_SOOMAALIKABE_

[email protected]