Sarkaal ciidamada ka tirsan oo lagu dilay meel u dhow Wasaaradda Gaashaandhigga

0
Generaal Yuusuf Cali Qasaay Generaal Cagaay, ayaa lagu dilay Meel u Dhow Wasaaradda Gaashaandhiga.

Muqdisho (NSH)-War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goordhow degmada Hodan ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamaada dolwada.

General Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu dilay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhiga.

Dilka sarkaaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay Xero Ciidan oo Saraakiisha ay deganyihiin kuna dhextaalla Xaafada Warshada-Caanaha ee degmada Hodan, sida goob-jooge u sheegay.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in durba ay baxsadeen, waxaana goobta lagu dilay sarkaalka gaaray ciidamo ka tirsana dowladda, waxaana wali la heyn faahfaahin rasmi ah oo ku aadan Cidda ka dambeysay dilka loo geystay Generaalka.

_NOOSHEEG.COM_

Soomaalikabe@gmail.com