Safarkii aan ku Tegay Soomaaliya

0

Subaxnnimo khamiisa taariikhaduna tahay 9/5/2019 ayaan ka soo baxay shaqo waxaan aaday gurigayga waxaan ahaa dhafar xalay shaqo habeen ku jiray naftayduna waxay aad u raadinaysay inay dhinaca dhulka dhigto si aan u seexdo.

Waxaan imid guriga anoo wali seexan ayaan xogaa la sheekaystay ayeeyday oo isoo booqatay oo aan balansanayn isla subaxdaas in ay ii timaado sheeko iyo xaal waraysi kadib ayeeyo iyo adeer oo wada socday way iga tageen, waxaan soo qaatay taleefoonka si aan u bariidiyo hooyo waxay indhahaygu qabteen Yurub Xaaji oo khadka ku jirta marka ay iga qabatay ayaan codkeed ka dareemay caajis iyo dhafar waxaan waydiiyey waxa ku dhacay oo dhafarka codkeeda ka muuqda sababay waxay ii sheegtay in hooyo xalay xanuun qabtay oo naqasku ku dhagay hadana ay roontahay waxaan iri xalay shaqo baan lahaa oo hooyo isma aana haleelin inaan wada hadalno ee ii dhiib hadda inta aysan taleefoonka hooyo iigu dhiibin bay ii raacisay abaayo hooy tigid baan u jaraynaa oo xamar baan bari u diraynaa intaas ka dhaadhici si xaalkeeda baaritaan loogu soo sameeyo anna waxaan iri haye.

“Hooyo macaan seetaha ayaan iri waxay iigu jawaabtay waan fiicanahay ee maxaa xiligaan ku soo jarmaadiyay miyaad waxbarasho lahayd mise yurubaa ku soo kicisay waxaan iri maya hooyo xalaan shaqo lahaa oo maba jiifan wali inaan xaalkiina ogaado baan rabay inaad xanuunsantayna waan ogahay ee hooyo tigid baa jaran waxaan kaa codsanayaa inaad iga aqbasho codsigayga ah in bari xamar aad aado si dhakhtar aad ula kulanto anaguna aan u qanacno” Jawaabta hooyo Xorriyo anigu waan fiicanahay xalay baa qandho yar i qabatay safarkana waan ka tashanaynaa ee walwalka iska daaya dhib aan diyaarad u raacana ima hayo ogaadana nafta orad laguma celiyo ee marka la afuro baan kula soo hadlayaa hooyo macaanto haddii alle nagu simo.

Yurub ayaan dib u wada hadalnay waxaana isla meel dhignay in bari safarkaasi qasab yahay ayna wargaliso waalidka iyo walaalada nagu wehliya talada hooyo una sheegto sida xaalku yahay taan ognahayna waa in aysan naga diidayn in hooyo safar caafimaad loo dhigo halka ay ahaataba.

Waa ramadaan halka aan joogo saacado badan baa laga soomanyahay maantase xaalkaygu wuxuu marayaa allow yaa baalal kuu yeela aad duushide niyadaydu waa safar aan wali diyaarada fuulin teelkaygu marna ma istaago xaalad kasta waan la socdaa oo hooyo lkn hooyo xanuunka haya marna ma doonayso in aan dhab u ogaado sababtuna waa in aana Soomaaliya tagin iyo in aysan ila soo darsin xaalad caafimaad xumo inta aan ka walwalayo waxbadan oo is biirsaday marna hooyo ma ogola dhagahaygu in ay maqlaan waxa dhabtaa ee jira balse annigu ma moogi oo khadkaan ku jiray daqiiqad kasta.

Habeenku waa ii dheeryahay jirkuna waa i dubaaxinayaa anoo og inta aan maqlayo in ka badan in la iga qarinayo haddana waxaan go’aansaday in haddii waagu baryo aan dhaqaajiyo si aan indhaha uga soo qaado xaalka hooyo niyadayda marna kama bixin in hooyo aysan rabin ku laabashada halka dhibtu igu gaartay balse aniga waxaan doonayo baa ah in aan laabta galiyo oo aan la iiga sheekayn sida ay tahay oo ay dareemayso, waan ooyaa waan aamusaa, waan tukadaa marna qur’aan baan aqriyaa kalaamkaygu waa allow hooyo ii caafi, buste kasta oo la isaarayo dhaxantu igama dagto qabowga jirkayga hayaa waa mid aan xad lahayn.

Hooyo miyirkeeda waa qabtaa waa hadlaysaa waana qof iimaan leh diidan in ay tiraahdo dhakhtar i geeya lkn xiligaan xaalka ogaan shiyaha xanuunkeeda waxaa og qofkasta oo waalidkeen ah waana la is kugu yimid inta ka ag dhaw inta safarka’ah oo aan ku jiro ayagu waa wixii waagu la baryo iyo qoraalka eebe, waxaa habeenimadii jimcadu soo galaysay hooyo loo qaaday Spitaalka oo loo geynayo in la suro Ogsajiin maadama dhakhaatiita xaafada loogu geeyay sheegeen in ay muhiim tahay in la helo Ogsajiin la suro Hooyo sidaasna loo qaaday.

Sacaadu waa socotaa xanuunka hooyana waa siyaadayaa go’aamo aan fadhin baa nagu wareegaya sababtuna waa in aana haysan qalabka hooyo loo rabo haddii xamar subaxdii loo qaadayo, waxaan ka warwaraynaa waa in ay subaxdii jimce tahay badanaa dhakhaatiirta soomaaliyana aysan shaqayn markaan waxaan doonayno oo baahideenu tahay waa in hooyo u helno Ogsajiin diyaarada lagu saaro subaxdii meelo badan oo la maray albaabo badan oo la garaacay markaan waxaa nala kugu sheegay cisbitaal kale oo uu yaal ogsajiin qofka lagu xidho diyaaradana lagu saari larayo, waxaan sugaynaa waa in waagu baryo si loogu dheelmado cisbitaalka looguna diro qof macriifa oo ay garanayaan si loogu soo aamino taasina waa mid muhiim ka ah soomaaliya.

Salaada subax marka laga soo baxay ayuu adeer ku dhaqaajiyay cisbitaalka oo kasooni badan aan ku qabno in aan ka soo helno ogsajiinka si diyaarada hooyo loo saaro nasiib daro markiiba diidmo qayaxan ayaa laga horkeenay taasina waxay na sii galisay rajo xumo adeer ma quusan wuxuu u dhaqaajiyay dhanka guriga uu daganyahay dhakhtarka haya cisbitaalka oo ah ruuxa ugu danbeeya ee go’aan ka gaari garaya, hooyo waxaa loo raadiyay kaniiniyaal loo qoray oo wadnaha dajinaya xalay hal xabo baa laga helay cisbitaalka inta kale waxaa ku maqan Mohamed Camale oo aan khadka ugu jiro si aan ugu sheego in adeer xaafada dhakhtarka aaday jawaabna aan ka sugayno.

Waxaan dib ugu noqday Yurub teleefoonkeeda oo Cisbitaalka hooyo taalo ku sugan markaan juuq iyo jaaq midna hooyo kama maqlayo oo xalay 3:00 habeennimo ayeey dhagahaygu maqleen aadaar markaas oo rajadaydu sii luntay yurubase waan dareemayaa in ay waxbadan oo xaalada ah ay iga qarinayso way ogtahay in adeer noogu maqanyahay ogsajiinka oo ayagaa isku meel jooga xariirkoodana iiga dhawyayay midka aan samaynayo markaan waxaan u sheegay inaan doonayo inaan soo baxayo duhurkii hadii alle idmo oo aan tigidka jarayo hadda! Cod daciifa ayay igu tiri abaayo aan adeer ka warsugno in uu soo helo ogsajiinka anna waxaan iri si kastaba waan soo baxayaa markay halkaas noo marayso ayeey cod dheer ku tiri” ma ka dhacday iga wareeeg”😢😢😢 intaan istaagay baan ana iri ma hooyaa naftu ka dhacday😢😢😢😢😢😢😢😢😢 😢😢😢😢 haa Xoriyo teelkayga markaas baa iigu danbaysay😢😢😢😢

La soco Q/2aad insha’allah waana halka qoraalkayga gundhiga u ah

W/Q: Xorriyo Cabduqaadir Sheekh Cali