Safarkaygii Soomaaliya Q/2aad

0
Faadumo Ismaaciil oo ku magac dheer Faadumo Waryaa waxay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Sucuudiga

Qeybtii koowaad waxay noo maraysay anniga iyo Yurub Xaaji oo galnay xaalad ka duwan tii rajada ahayd ee aan ku dhawaad 24 saac dhisaynay.😢

Waxaan joogay habeenkii dheeraa ee hooyo xanuunku hayay Xaafada walashay Nadifa Shador oo aan maalintii u sheegay xanuunka hooyo ku soo booday waxay ii ahayd garab iyo wehel ila wadaagay waqtigii adkaa ee aan ku jiray, waxaan u sheegaa inaan baxayo waxayna iigu jawaabtaa waad baxaysaa ee waagu ha noo baryo ileen waa waqti habeena diyaarad soomaaliya aadaa xiligaa kama baxdo halka aan joogo oo waxkasta fiidkii bay soo idlaadaan.

Saacadu waa 8:00 Subaxnnimo waa jimce taariikhaduna tahay 10/5/2019 qof kasta oo safar soo ahaa alle ma qorin inuu nolol ku soo gaadho hooyo xitaa dadkii meelaha halka saac loo soconayay daganaa, hooyo xanuun rajadeena lumiya ma uusan qaban ilaa saacadihii u danbeeyay maahane baahida ugu badan ee jirtay waa ogsajiinta oo Gaalkacyo ka ah dhib inaad heshana adagtahay markii aad qofka rabto inaad meel kale u qaado sida xamar.

Dhagahaygu markaan ma sugayaan hadal ah hooyo seetahay, mala soo qaaday iyo ogsajiintii ma la keenay keliya waxa aan sugayo waa inaan duulo oo alle igu simo inaan indhaha saaro wajiga hooyo oo aana nasiib u yeelin muddo inaan arko si toosa, hooyo ma’ aana ahayn labbo qof oo gabar iyo hooyadeed ah lkn waxaan ahayn labbo qof oo saaxiiba sheeko wadaaga go’aamana wada gaara waxaan xili kasta u sheegi jiray wixii igu soo siyaada ayaduna sidoo kale marka laga reebo inay xanuunka ii sheegto taasina waa dhawrista waalidnimo oo ay diidanayd inaan ka welwelo xaaladeeda ama aan tago halkay joogtay.

Hooyo markaan waa meyd waalid iyo walaal waxay dhoobanyihiin cisbitaalka, waxaan go’aansaday inaan waco Waalidka oo aabe ugu horeeyay waxaan u gudbiyay codsi fulintiisu adkayd oo ahaa inaan hooyo la’aasin si naftaydu ugu samirto meydkeeda, waan aaminsanahay geerida waana ogahay inay xaqtahay lkn haddana safarka aan ku baxayo waa iiga xanuun badanyahay arragti la’aan wajiga hooyo macaan.

way adagtahay in waalidku aqbalaan meyd talaagad hala galsho, hala sugo qof meel dheer ka imaanaya oo aan la ogayn inta safarkiisu qaadanayo wuxu waa diyaarad oo way baaqan karaysaa mana ahayn wax dhacda in meyd talaagad la galiyo inay maqlaan ama sahal ku aqbalaan, ugu danbayn walaalahay iyo waalidkuba waa ogyihiin halka hooyo xariirkeenu joogay waana muhiim in codsigayga ay aqbalaan ina qanciyaan sikasta oo ay u adagtahay markaan waxaay ii yeeleen sida aan doonayay alhamdulilaah🙏.

Markaan eego tigidka aan haysto waqtigu waa igu dheeryahay qofkii soo baxa duhur iyo kii soo baxa habeen waxay isku soo gaadhayaan Istanbuul oo ah halka rakaabka Soomaaliya u socda lagu kala gudbiyo waxaan rajayn in alle uusan safarkaan igu dhibin balantii ahayd bari waan idin la joogaa haduu alle idmo inuu ii rumeeyo oo aana tagin aas lagu kala dareeray, xaalkaygu halka uu marayo waa mid aan qoraal lagu cabiri karin ma waxaan safar u galayaa hooyaday oo aana arrag in ka badan 5-Sanno meydkeeda naftu waxay i leedahay maxaad marna hooyo maya u dhihi wayday marka ay ku dhihi jirtay ha imaan waxaan se isku qanciyaa soo kuma odhan geeri iyo nolol ducaan kaaga tagayaa oo kugu ogahay ha shalayn xorriyo ee samirka kaasho.

Waxaan u duulnay dhankaa iyo soomaaliya diyaaradu waxay maraysaa Istanbuul oo kala wareeg u ah shirkada diyaarada ee Turkish waa halka diyaarad ee Muqdisho aada xiligaas, qorshaha safarkaygu waa in aan isla habeenimadaa raaco diyaarada Muqdisho u duulaysa haddii aysan iga tagin, waxaa ila socda oo Finland ka wada soconaa walaal soomaaliyeed oo markaas ehelku la soo dardaarmeen si uu xaalkayga u ogaado maadama aan isku meel ku socono, isku kursi ma nihin haddana ima mooga oo waa ii dhawyahay sharciyadaydana asagaa haya oo markaan hogaanka ii haya.

Dhaxan badanaa, jirku dubaaxin madaayo, indhuhu ilmada ma ceshtaan diyaaraduna ma gaarto Muqdisho korkayga waxaa saaran dhawr buste oo shaqaalaha diyaaradu ii siiyeen si aan u huwado balse ima caawin, waxaan qabaa oo ii dheer jaakad dhaxan oo aan ayana waxba iga tarin.

11/5/2019 ayaan soo gaarnay Muqdisho waa subaxnnimo sabtiya garoonka waxaa igu sugaya wiil iyo maamo eedo ah labaduba tilmaantayda bay haystaan oo eedo muddo isma aana arrag salaan kadib wiilkii la igu soo daray masuuliyadii waa wareejiyay duco kadibna wuu iga tagay, hoolka aan soo galay waxaa ku dhagan labbo boor oo ay ku kala qoranyihiin Muwaadinka iyo Ajanabiga taas oo macnaheedu yahay dadka wata passaport- Soomaaliga iyo kan wadamada kale in ay ku kala saftaan waxaan u leexday dhankii ajanabiga si aan u maro dariiqa sharciga, wiilka wax iga soo doonay ayaan iri qofka aan magaalada galayn miyuu qaadanaya wadan ku gal wuxuu iigu jawaabay maya waxaana hada laguu soo qabanaya tigidkaagii Gaalkacyo ee halkaas istaag waayahay baan iri.

Inta aana ka soo bixin Finland ayaa la sii qorsheeyay inaan helo tigid Gaalkacyo si aan diyaarada baxaysa maalintaas u raaco balse waxaan imid ayadoon la jarin way igu adkayd inaan taagnaado koow waa ramadaan, awood ahaana ma xamili karayn inaan sugo keenista tigidka oo xaafiiska diyaarada laga doonay waxaan aniga iyo eedo go’aansanay inaan qaato visada wadan ku galka kadibna aan sugo tigidka oo sii aado qaybta kale ee laga raaco diyaaradaha aada gobolada dalkeena, waxaan bixiyay 60$ oo laga qaado qofkasta oo wata passaport ajaaniba si wanaagsan ayeey iigu adeegeen wiilasha joogay migareeshinka , marka aan albaabka ka baxayno ayuu wiilkii keenay tigidkii lkn waxba igama caawinayso oo waxaan qaatay viisihii ay ahayd inaan Gaalkacyo ka qaato dhibse malahan markii aan dhaqaaqnay ayeey noo yeereen saraakiil magareeshinka ah sababtuna waa shaki galay oo ka yimid tigidka iyo visaha waan ku noqday waana u sharaxay sida wax u dhaceen waxay i waydiiyeen in qofka passaport leh aan ahay waana uga jawaabay su’aalihii ay i waydiiyeen way aqbaleen waana la isoo daayay.

12:30 tigid ah baan haystaa waxaan imid halkii lagu sugayay diyaarada Gaalkacyo waan fariistay kursi, magaaladu waa kulayl, ramadaan hoolku waa wada sawaxan marna indhahaygu ma qaban qof aan aqaan mise anaa waxba arkayn oo mowjada aan ku jiro baa saa maxayn ma ogi, eedo iyo wiilku waa dad macriifaa oo garoonka ka shaqeeya garabkayga ayeey taaganyihiin waxayna ii wacayaan reerihii oo imaanshiyahayga loo xaqiijiyay, saacada aan soo baxayo ayaan u sheegay waana la i sugayaa ileen meyd baa xabaal loola ordayaa xalayna la dugsaday.

Hadda Hooyo talaagada waa laga saaray waxaa la qorshaynayaa in lagu aaso meel tuulaa oo waalidkeen go’aamiyeen kuna raacnay balse dhibka ugu wayni waa in la gaaray waqtigaan iri waan soo baxayaa diyaraadiina aysan joogin, waxaa baxay guud ahaan rakaabkii u socda gobolada kale marka laga reebo Gaalkacyo waxaa nagu jira dad waayeela oo saaka yimid garoonka aan awoodin fadhiga badan iyo sa waxanka shaqo ee meesha ka yeeraya, saacadu waa socotaa waxaa la marayaa 14:00 diyaaradii ma joogto aniguna waxaan hadba eegaayaa guuxii yeera qof kula hadlaya malahan oo sheegaya waxa diyaaradii ku dhacay, miyeey baaqatay ma ogi dadka qaarbaa oranaya maantana miyeey baaqatay kalmadaas inaan maqlo iima fiicna oo waxaan i hor imaanaysa hooyo oo la aasay anoo arrag.

Eedo oo ii timid baan iri maxaa ku dhacay diyaaradii ii sug bay tiri meel aan iga fogayn waxaa jooga nin qaba jaakadaha shaqaalaha diyaaradu xirtaan hadal bay is dhaafsadeen aana wada maqlayn hadase eedo way isoo noqotay waxay ii sheegtay in ninka uu yahay maamulaha shirkada uuna ku yiri diyaaradii waxaa i jaartay siyaasi ka xanaaqay shir ka socday Garoowe haddana la sugayo inay timaado sababta ay u daahdayna tahay siyaasiga oo rabay inuu degdeg uga baxo Garoowe!! intaas markay ii sheegtay baa naxdintii igu sii siyaaday oo miyuusan ogayn in meyd banaanka yaal i sugayo baan iri hadana waan aamusay oo ilintayda hoos ula jeestay qalbigaan iska dhahaa miyeeysan masuuliyiin ahayn diyaaradu ma bus la iska ijaartaa oo rakaab maahan waxa sugaya oo hadii ay daahayso may na wargaliyaan waxaanse isku qanciyaa adaa degdeg ku socda malaha , Yurub waxay ii sheegtay in meydka hooyo la qaadi rabo lkn la i sugayo oo mar haddii godkeedii loo qaadayo maxaan ka gaarayaa allow i caawi baan iri yaa baalal i siiya aan kaga maarmo diyaaradooda iska maqan,markaan diyaaradii waa timid 14:50 farxad baan la booday allow nagu nabad yeel sidaas baan ugu duulnay dhankaa iyo Gaalkacyo oo safarkaygu ahaa.

Qalbigayga waxaa ku soo noq noqonayay hadal nolosha hooyo igu tiri oo ahaa anoo naftu igu jirto halkaan imaan maysid haddii se aan kaa hormaro ma sheegin, waxaan ku ceshanayaa maalintii dhoola cadaynteeda iigu danbaysay oo guriga aan ugu tagay iyo maanta sida uu xaalku yahay waxaan se ku dhameeyaa in maanta aana intaas arkayn samirkuna waajib yahay.

Allaha kuu naxariisto Hooyo.

Tagistaydii Gaalkacyo Q/3xaad insha’allaha

W/Q: Xorriyo Cabduqaadir Sheekh Cali