Saddex Maamul Goballeed oo ku dhawaaqay in ay yeelanayaan Iskaashi

0
Maamullada qaar ee Soomaaliya oo iskaashi cusub sameestay

Muqdisho (NSH)-Magaalada Garoowe waxaa xaley kulan saddex geesood ku yeeshay madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, kulankaas ayaa la sheegay inuu la xiriiray iskaashi iyo xiriir cusub oo ay yeeshaan saddexda maamul goballeed, iyadoo markii dambe laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7-qodob.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay wasiirada saddexda maamul goballeed, waxaana ay sheegeen in ay ku heshiiyeen arrimo badan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku tilmaamay shirka ay yeesheen saddexda maamul goballeed uu muhiim u yahay maamullada ku shiray Garowe, xilli uu ka hadlayay furitaanka shirka Garowe.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ayaa dhankooda sheegay shirkan inuu muhiimad gaar ah siinayo iskaashi dhexmaray saddexda maamul.

Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf (Jaamac Dabarani) ayaa shirka kaddib saxaafadda u akhriyay war-murtiyeed ka soo baxay shirka oo ka kooban 7 qodob kuwaasoo madaxda ay kala saxiixdeen.

Halkan Hoose ka Akhriso

Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf (Jaamac Dabarani)

Shirkan ayaa abuuray tuhun la xiriira inuu abuurmay isbaheysi ka dhan ah maamullada Jubbaland iyo Galmudug oo isaga baxay shirkii fashilmay ee ka dhacay Garowe, sidoo kale madaxweynayaasha ku kulmay Garowe midkoodna kama hadlin wax yaabaha sababay inuu fashilmo shirkii Garowe ku soo dhammaaday oo ay qayb ka ahaayeen.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com