Sacdiya oo qabta HIV: “Waa la i caayaa, carruurteydana waa la garaacaa”

0

Sannadkasta, 1 December waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee caabuqa HIV/AIDS. Dadka Soomaalida kuma badna, balse tirada yar ee qabta waxay la kulmaan faquuq iyo dhibaatooyiin kale. Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa sheekada dhowr qof oo xanuunkaas qaba iyo sida ay noloshoodu tahay:

Sacdiya

Magaalada Wajeer waxaa ku nool Soomaali, balse waxaa jiro arrimo badan oo qarsoon oo halkaas ka jira oo aan laga hadli karin. .

Waxaa jiro dad badan oo ku nool dhibaato iyo faquuq ay kala kulmayaan bulshada ay la nool yihiin. Sababtu waxay tahay in ay qabaan xanuunka HIV.

Meel safar saacad ah magaalada kaga beegan dhanka galbeedka, waxaa ku nool Sacdiyo – waa magac aan ugu yeernay ka dib markii magaceeda saxda ah la qariyay sababo badqabkeeda la xiriira.

Sacdiyo waxay la nooshahay saddex carruur ah oo ay dhashay. Cannuga ugu weyn ayaa 11 sano jir ah. Mid ka mid ah carruureetadana waxay la dhalatay caabuqa HIV.

Sacdiyo xitaa lugaheeda kuma istaagi karto. Waxaa laga helay xanuunka HIV. Waa qof sabool ah, waxayna ku qasbanaatay in carruurteeda ay u shaqeysato in kastoo si wayn loo faquuqo.

“Toddobo sano maarkin ninkeyga waxaa igu dambeysay 2013-k-ii, bisha kowaad. Inuu dhintay ama uu nool yahay war kama haayo”, ayey tiri Sacdiya.

Waxaa cudurka laga helay Sacdiya “mar ay isbitaalka geysay gabadheeda yar oo xanuunsatay”.

“Markii ay dhaqaatiirta baareen waxay ka heleen xanuunka HIV-AIDS. Aniga ayay sidoo kale i baareen, waana la iga helay”, ayey sheegtay.

Sacdiya aad ayay uga naxday markii ay maqashay warka, diyaarna uma ahayn in ay ka hor tagto waxa ku soo socda. Isla markii ay xaaladaan kusoo korortay waxay noqotay mid la neceb yahay oo bulshada k takooran.

“Waxaa la igu dhahay ka guur, meshii aan degenaa, deriskayga way i caayaan, carruurtooda ayayna igu soo direen,” ayey tiri iyadoo murugo ay ka muuqato.

Waxay sheegtay in hal ceel oo ay leedahay dumaashideed uu walaalkeed qabo loo ogol yahay in biyo ay ka soo dhaansato.

Waxay intaa ku dartay: “Way i faquuqeen illaa heer aanan wax ka amaahan karin, ma jiro qof dan iga leh, nolol ama geeri.”

Waxay tilmaamtay Sacdiya, in biyaha ceelka aysan dhaansan karin, iyo in la aflagaadeyo marka ay xaafadaha dhex socoto. “Carruurta way iga garaacaan markay arkaan”, ayey sheegtay.

Markii ay bateen dhibaatooyiinka loo geysto, waxay go’aansatay in aysan guriga ka bixin, mana jirto cid ku booqata halkaas.

Sacdiya ayaa ii sheegtay in ay iskaga dulqaadato waxwalba oo ku dhaca, balse ay ka walwalsan tahay nolosha iyo mustabalka carruurteeda.

Jamal

Jamaal – waa magaca aan ugu yeernay si aqoonsigiisa loo qariyo – wuxuu qabaa caabuqa HIV, wuxuu ku noolyahay duleedka magaalada wajeer. Halkaas ayuu u guuray ka dib markii uu la kulmay faquuq aad u daran.

“Gurigii ugu horreeyay ee aan ku noolaa markii aan guursaday, waa la iga saaray. Waxaan u guuray mid kale oo haddana la iiga daba yimid. Waxay (milkiilihii guriga) ku dheheen ‘ninka aad guriga ka kireysay waa nin xun oo qaba cudurkii weynaa”, ayuu yiri.

Jamaal wuxuu sheegay in markii uu “caatoobay” oo ay ogaadeen saaxibidiisa iyo qoyskiisaba in uu cudurka qabo ay billaabeen in ay ka cararaan oo aysan u soo dhowaan.

Jamal

Kenya – Tirada dadka qaba HIV

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee caabuqa HIV ee Kenya waxay muujinayaan in ay marayaan meeshii ugu hooseysay, iyada oo la diiwaangaliyay 52,000 oo kiis.

Taas waxay ka dhigan tahay in 49 kun oo qof oo da’yar ah ay qaadeen xanuunka, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 15 illaa 49 sano.

Dadka uu cudurka ku dhacay ee carruurta ah ee da’doodu ka hooseyso 14 sano jir, waxay sannadkii hore ee 2018 ahayd 8000 qof, guud ahaan Kenya.

Inkasta oo degmada Wajeer ay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn Kenya, haddana waa meesha tirada ugu yar ee cudurkan qaba ay ku nool yihiin, waxaana lagu qiyaasay 0.2% boqolkiiba.

Dhaqaatiirta ka shaqeysa daweynta iyo baaritaanka caabuqa ee Wajeer waxay aaminsan yihiin in dadka aysan isbaarin iyagoo ka baqaya in la faquuqo haddii laga helo cabuqa. Waxa arrinta sabab u ah fikradaha qaldan.

Xasan Cismaan oo ka tirsan xarunta lagu baaro caabuqa ayaa yiri: “Waxaa jiro dad badan oo aan iska baarin cudurka oo aan aragnay, tusaale ahaan, bishan waxaan diiwaangelinay 8 qof oo qabta cudurka taasi waxay ka dhigantahay in bulshada ay ku dhex nool yihiin dad qabo HIV, laakiin takoorka lagu hayo dadka la nool cudurka ayaa ka hor istaageysa inay isbaaraan.

“Bulshada muslimiinta way ka cabsadaan in ay cudurka iska baaraan sababtoo ah, haddii ay u yimaadaan inay isbaaraan oo ay qoysaskooda arkaan, waxaa lagu tirinayaan inay Sineysteen, taasna waxaa ka dhalanaya in la takooro umana suuragaleyso in bulshada ay ku sii dhex noolaadaan,” ayuu hadalka ku daray.

Dadka faro ku tiriska ah ee isa soo bixiyay ee shaaca ka qaaday in ay qabaan HIV, waxay billaabeen in ay dadka kale ku wacyigeliyaan arrintan iyo joojinta faquuqa. Balse ka hor inta aysan gaarin bulshada kale, waxay u baahan yihiin in dhexdooda ay is raadsadaan si ay isku taageeraan

“Waan is caawinaa. Deeq bixiyaasha ayaan codsiyo u qoranaa si ay inooga caawiyaan shirarka aan qabsano. Midba midka kale ayuu u sharaxaa in aanu nahay hal qoys,” ayuu yiri Jamal.

Wuxuu intaa ku daray: “Ma ahan in aan niyad jabno. Dunidan waan ku noolaan karnaa inagoo la nool cudurka HIV/AIDS.

“Waxaa jiro dad badan oo ina takooray balse hadda way dhinteen inaguna weli waan nool nahay, marka sidaa darteed dawadeena aanu u qaadano sida dhakhaatiirta ay inoogu qeexeen,” ayuu sheegay isagoo wacyigelinaya dadka kale ee xanuunkan qaba.

Isagoo qiraya in arrinta ay agtahay wuxuu yiri: “Qof Soomaali ah oo la nool HIV, way ku adagtahay inuu bannaanka u soo baxo oo uu yiraahdo ‘waxaan qabaa cudurka HIV/AIDS’.

Jamal wuxuu dhaqaatiirta ugu baaqay iney “shaqo dheeraad qabtaan si dadka ay isaga baaraan cudurka”.

Aqal Hooriga ay deggan tahay Sacdiya
Aqal Hooriga ay deggan tahay Sacdiya

Sida ay khubarada sheegayaan, waxaa malin kasta la maqlayaa “warar naxdin leh oo ku saabsan faquuq lagula kacay dadka la nool xanuunka HIV ee ka tirsan bulshada Soomaalida”. dadkaasi qaarkoodna waxay doonayaan cid caawisa iyo dad ay dhibaatadooda u shegtaan.

In kastoo gabis ay yihiin, waxaa jiro tallabooyiin wax looga qabanayo dhibaatada ay la kulmayaan dadka la xanuunsan HIV ee ku nool Wajeer.

ISHA: BBC