Qof Ajnebi ah oo ku dhintay qarax Muqdisho ka dhacay

0
Qarax uu ku dhintay wiil dhalliyaro oo ka dhacay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (NSH)-Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay qarax galabta ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay qaraxa inuu ahaa mid lagu xiray baabuur waxaana qofka dhintay lagu sheegay inuu ahaa qof ajenbi ah oo baabuurka la socday.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ninka ajnebiga uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Turkiga kaasoo ahaa Injineer.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo xiray nin Soomaali ah oo la sheegay qaraxa inuu ka badbaaday.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha ammaanka oo ku aadan qaraxa ka dhacay Xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com