Qadar oo aan lagu casuumin shir waddamamda Khaliijka iyo Carabta ay ku yeelanayaan Sucuudiga

0

Dooxa (NSH)-Dowladda Qadar ayaa sheegtay in dalka Sucuudiga uu ku casuumin labo shir oo ka dhacay magaalada Makah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in aan lagu casuumin shir degdeg ah oo dowladda Sucuudiga ku baaqday kaasoo ay ka soo qaybgalayaan waddamada Khaliijka iyo Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Suldaan Al-Muraykhi ayaa sheegay Qadar weli in ay go’aadoominayaanaa waddamada Khaliijka ee dariska ku yaalla maadama aysan ku casuumin shirka 30ka bishan ka dhacaya magaalada Makkah.

Boqor Salmaan ayaa ugu baaqay waddamada Khaliijka iyo kuwa Carabta in ay ka soo qaybgalaaan shirka ka dhacaya Makkah, si looga arrinsado xiisadda ka taagan gobalka kaddib markii dhawaan la weerarray xarrumaha shidaalka Sucuudiga iyo weerarro lagu qaaday maraakiib shidaal oo Suucudiga lee yahay kuwaasoo lagu weerarray xeebaha dalka Imaaraadka.

Bartamihii sannadkii 2017-dii ayaa waddamada Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ay xayiraad ku soo rogeen waddanka Qadar iyagoo sheegay in ay go’doomiyeen.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com