Puntland oo dib ula wareegtay Af-Urur

0
Af urur waa meel istaraatiji ah oo 30 KM u jirta laamiga Boosaaso gala

Boosaaso (NSH)-Wararka ka imaanaya gobalka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Puntland ay saaka dib ula wareegeen tuulada Af-urur oo saddex maalin ka hor ay qabsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wareegeen Tuulada Af-urur oo qiyaastii 90km dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarrunta gobalka Bari.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cimi Cismaan (Axmed Karaash) iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa maanta oo Talaado ah tegay tuuladda Af-urur kadib markii ay ciidamadda Puntland gacantooda ay dib ugu soo noqotay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la hadlay daweynaha ku dhaqan Af-urur ayaa wuxuu u sheegay inay is dejiyaan noloshoodana ay caadi dib ugu soo celiyeen.

Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Af-Urur ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana dhowr jeer ka dhacay weerar iyo qaraxyo lala beegsaday ciidamada iyo dadka shacabka ah ee tuuladaas ku dhaqan, kuwaasoo dhaliyey khasaare isu jira dhimasho iyo dhaawac.

_NOOSHEEG.COM
_NOOSHEEG@LIVE.COM