Dowladda Somalia oo natiijada baaritaanka qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose war ka soo saartay

0
aqalka dowladda hoose

Muqdisho-Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin hordhac oo laga sameeyay qariixii ka dhacay aqalka dowladda hoose 24-kii bishii horre kaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo ay fulisay gabar ka shaqeyneysa xarrunta islamarkaana aragga la’eed.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in gabadhaas aragga la’eed, ay caawisay gabar kale, oo baxsatay, taasi oo Iyana ahayd kaaliyaha gabadha aragga la’, isla markaana shaqaale ka ahayd xarrunta.

Wasaaradda amniga ma shaacin magaca gabadha aragga la’ ee is-qarxisay, hase yeeshee gabadha ayaa xarrunta uga shaqeeneysay magaca Basiira Cabdi Maxamed, laakin waalidkeed u yaqaanaan Maryama Cabdi Maxamed.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in labada gabdhood ee qaraxa fuliyey ay waqti isku dhow oo bil gudaheed ah shaqada ka qaateen fasax, islamarkaana tageen wax ay hey’addaha ammaanka ugu yeereen gobaha argagixisada.

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada gabdhood aan loo baarin sidii uu ahaa nidaamka baarista xarunta gobolka marka qofka la baarayo iyo marka la shaqaaleysiinayo.

Gabadhan la sheegay in ay is qarxisay ayaa la sheegay in madax ka ahayd xafiis dadka baahiyaha gaarka qaba oo ku yaalla xarrunta gobalka banaadir, kaasoo la faray markii duqii geeriyooday loo magacaabay maayarka caasimadda.

Ugu dambeen warka ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhowr qof loo xiray qaraxaasi.
warsaxaafadeedka dowladda

NOOSHEEG.COM

Danguudtv@gmail.com