Muuse Biixi: Qadiyadda Somaliland dhawaan ayaa la horgeen doonaa Midowga Afrika

0
Muuse Biixi: Qadiyadda Somaliland dhawaan ayaa la horgeen doonaa Midowga Afrika

Hargeysa (NSH)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Axad ah si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, isagoo ka soo laabtay dalka Guinea oo booqasho rasmi ah uu ku tegay taasna ay keentay hadal heyn fara badan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dalka Guinea uu culeys weyn kala kulmay caalamka kuwaasoo diidanaa booqashadiisa maadama dowladda federaalka ay xiriirka u jartay dalkaas.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in qadiyadda Somaliland la horgeyn doono Midowga Afrika.

Waxa uu sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa dalka Guinea, isla markaasna dalkaas uu kala shaqeen doono sidii qadiyadda Somaliland loo horkeeni lahaa Midowga Yurub.

Soo dhaweenta wafdiga madaxweynaha Somaliland ayaa si weyn looga dareemayay magaalada oo dhan, waxaana ka hor wafdiga inta aaney ka soo dagin garoonka sugayay dad aad u badan.

Sawirrada madaxweynaha dalka Guinea iyo madaxweynaha Somaliland ayaa surnaa magaalada oo dhan, waxaana sidoo kale wadooyinka la suray calamada Somaliland iyo dalka Guinea.

Halkan ka daawo sawirrada
_NOOSHEEG_
Noosheeg@gmail.com