Muuse Biixi oo dalbaday in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliand ay qayb ka noqdaan Caalamka

0
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (NSH)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday in wadahadalada u socda Soomaaliya iyo Somaliland ay qayb ka noqdaan waddamada Caalamka.

Hadalkan ayuu sheegay in kaddib markii maanta oo Sabti ah magaalada Hargeysa kula kulmay ergayga Turkiga u qaabilsan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland Olgan Baker.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale danjiraha u sheegay in deeqaha Turkiga uu siiyo Soomaaliya iyo Somaliland in aysan isku dheelitirneen sidaas owgeed Somaliland ay dalbaneyso in si isku mid ah uu dalka Turkiga u qeybiyo si isku mid ah si shacabka Somaliland ugu muujiyo dhex-dhexaadnimo.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo danjire Baker ayaa la sheegay in wax yaabaha ay ka wadahadleen ay ku jireen wadahadalada u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland iyo siyaasadda guud ee Gobalka geeska Afrika.

Muuse Biixi ayaa ergayga u sheegay in wadahadaladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ay is taageen maadama ay wax miradhala ah laga gaarin

Danjire Olgan Baker, ayaa horrey u soo maray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mr. Baker ayaa horrey u soo noqday danjiraha Turkiga ee Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2012-kii fududeeneysay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.