Muuse Biixi: “Danta Geeska Afrika waxa ay ku jirtaa Somaliland iyo Soomaaliya oo labo dal ah”

0
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (NSH)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay danta Geeska Afrika inay ku jirto Somaliland iyo Soomaaliya oo labo dal noqda.

Isagoo ka hadlayay xaflad loogu dabbaal dagaya sannad guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay gooni isku taagtay ayuu sheegay Somaliland in ay go’aansata in ay ka go’do Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka Somaliland ay ka tabaneyso Soomaaliya ee la gaarsiiyay 30 sanno ka hor in ka khasaare badan tahay 28-kii sanno ee ku dhawaaqday gooni iskutaaga maadama ay lahayd Soomaaliya ma xoroobi karaan mana ka go’i karaan.

“Lafta kala bogsatay la iskuma kabo, dadka 30 sanno kala maqnaa waayo cidda leh qasab baa isku geenayaa, danta Soomaaliya iyo geeska Afrika waxa ay ku jirtaa labada dal oo labodal kala noqda”ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay diyaar la yihiin sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka Somalinland iyo Soomaaliya.

In kastoo Somaliland ay ku naalooneyso nabad iyo xasillooni isla markaana ay doorashooyin nabad ay ka dhaceen halkaas haddana ma jirto weli ictiraaf ama aqoonsi Somaliland ka heshay Caalamka.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com