Meertada koritaanka Yaanyada iyo gabdhaha

0

Yaanyada ayaa marta dhawr meerto oo inta badana dhirta midhooleyda ahi maraan kaddib fufka manka iyo ubaxa, waxaa meertada nololeed ee yaanyadu martaa intan:

1. Cagaar S1aad
2. Cawl ama hurdi S2aad
3. Guduud ama casaan S3aad
4. Guduud qaadh S4aad

Saddexda meerto ee hore waxaa ka muuqda giigsanaan adeyg iyo qurux ilqabad leh, halka sawirka ugu dambeeya qamboob ay isu soo kuduudatay iyo qaadhitaan inay dhadho u dhaw ka muuqdo.

Gabdhaha ayaa iyagu meertooyinkan mara hadba da’da ay jiraan.

1. Da’da 16 -20 waa Cagaarka
2. Da’da 20-24 waa Huruudiga
3. Da’da 25-29 waa Guduudka
4. Da’da 30…… Waa guduud qaadhka u dhaw dhadhitaanka.

Haddaba gabadhu haddii aanay saddexda kansho ee hore amminta wax ku qaybsan ogoow inay u dhadhanayso sida yaanyada hadhoow gacan Oday ku dambaynayso asaageedna ka hadhayso.

Gabdhoow guursada oo xulasho ku guursada idinkood waxba ku xidhayn.

Waa talo odayeed ee xaqul ciid u qaata.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr