Maxkamad ku taalla Hargeysa oo xarrig ku xukuntey Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon

0
Maxkamad ku taalla Hargeysa oo xarrig ku xukuntey Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Hargeysa (NSH)-Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay saddex sanno iyo bar xarrig ah ku xukuntey weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Garyaanada difaacaya eedeesanaha ayaa sheegay in ay ixtiraamayaan xukunka maxkamadda, balse aaney ku qancin eedeenta maamilkooda.

Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaacil ayaa saxaafadda u sheegay in ay ka walaacsan yihiin xukunka weriye Caldoon, waxaana uu sheegay in xukunka uu madmadow ku jiro isla markaana ay racfaan ka qaadeen xukunka.

Waxa uu sheegay weriyaha uu soo bandhigay aragti uu qabay, isla markaana iskuulka abaarso lagu qasbay in ay ka mid noqdaan kiiskan.

“Kiiskan waa mid ka soo billowday maxkamadda waxaana hooyooyin lagu qasbay in ay culeys saaraan garsoorka”ayuu yiri garyaqaan.

Weriye Cabdimaaalik Coldoon ayaa saddex bilood ka hor laga soo xiray magaalada Burco, kaddib markii lagu eedeeyay aflagaadeen madaxweyne iyo wax lagu sheegay daacayad uu ka faafiyay Iskuulka Abaarso ee ku yaalla magaalada Hargeysa.

_NOOSHEEG.COM

Noosheeg@gmail.com