Maxay ka dhiggan tahay Iscasilaadda wasiir Geelle?

0
Wasiirkii warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle

Wasiir Daahir Geelle waxaan ku kullanay Muqdisho dhowr jeer. Waxaa aad uga go’naa in xorriyad buuxda la siiyo saxaafadda Soomaaliyeed laakiin waxaa iiga muuqatay inuu ahaa shakhsi dhibaato badan ay ka heysatay dhanka madaxda sare; gaar ahaan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Waxaan ka dareemay faragelin ba’an oo lagu hayey shaqadiisa.

Xataa Bishii November, mar aan wareysi kooban kula yeelanay hotel ku yaalla Muqdisho, wuxuu iga codsaday in su’aalaha qaarkood aanan weydiin kuwaasoo uu u arkay kuwo Ra’isul Wasaaraha ka xanaaqin kara.

Markaa aan la kulmayo Wasiir Daahir, waxaa 24 saac uun kasoo wareegatay markii ciidanka NISA ee ku sugan agagaarka hotelka Jubba ay jidgooyo noo dhigteen ayna nagu xayireen 40 daqiiqo meel u dhow KM0, annagoo ku sigannay inaan dhexda u galno is rasaaseyn dhex marta ilaalo hubeysan oo nala socotay iyo ciidanka NISA, inkastoo markii dambe Wasiirka Amniga uu xaaladda xaliyay.

SHIRKA LONDON IYO SHURUUDDA UK

Waxaa beryahan socday qaban-qaabada shir ka dhici doona London oo ay waddo Dowladda UK kaasoo Wasiirka Warfaafinta Daahir Geelle lagu casumay.

Ujeedka shirkan ayaa ah in looga hadlo xaalka warbaahinta iyo guud ahaan caqabadaha heysta saxafiyiinta, cadaadisna lagu saaro Villa Somalia inay dhibaatada ka deyso warbaahinta.

Waxaase shirku kusoo aadayaa iyadoo Dowladda UK ay shuruudo adag hordhigtay Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya kuwaasoo isku xiray deeqaha Dowladda lasiiyo iyo wax ka qabashada madax bannaanida saxaafadda.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin


AFEEF: Aragtida Maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee noosheeg.com.Fadlan waa soo qori kartaa faallo aad ku naqdineyso qoraalkan nooguna soo dir noosheeg02@gmail.com Mahadsanidiin